Madaxweyne ku sheega waxaa loogu yeedho kililka Tigree ahna Gudoomiyaha TPLF Abay Woldu ayaa dhalinyarada qoomiyada Tigreega ku baraarujiyay khatarta ku soo foole TPLF isagoo Arintaasi ka hadli waxaa uu yidhi” waxaa jirta khatar u baahan inaad fadhiga ka kacdaan” waxuuna kubaaqay inay guluf dagaal dhalinyarada qoomiyada Tigreegu kuqaadaan qoomiyadaha kacdoonka wada “waa inaynaan ilaawin aabayaasheen iyo walaaladeen iyo hooyooyinkeen dhiigoodii ay budhcadii Dergigu sida aan kala sooca lahayn udaadiyeen una xasuuqeen dadkeenii” sidaa waxaa yidhi Abay Woldu Madaxweynaha Tigree.
Isagoo sii wata hadalkiisa “Abay Woldu waa midaan anaga TPLF ahaan duurka ugalay dadkeena markay xasuuqayeen dhulkoodu nabad, xasilooni iyo barwaaqo ayaa ka jirtay”.
Hadalkan ayaa wuxuu si toos ah ugu socdaa Qoomiyada Axmaarada oo kamid ah qoomiyadaha kacdoonka wada oo Tigreega xiligi taliskii Mingistu xasuuqday. Abay waldu ayaa yidhi hadda waxaa inagu soo kordhay awoodo iskaashaday oo ay hormuud utahay dowlada masar iyo qoomiyaad laxulufo ah oo u midoobay inay Tigree mar labaad la xasuuqo lagana tirtiro aduunka waxaana loo baahan yahay awoodahan xulufoobay sidaan fiilada uxidhiidhsan dhexda uga jari lahayn taasina waxa laga rabo inay masuuliyadeeda qaadaan waa idinkan dhalin yarada qoomiyada Tigreega ah ayuu siiraaciyay.
Anaga TPLF ahaan xiligaan sidiina dhalinta ahayn oon xooga lahayn wax walba gacmahanagaan uga hortagi jiray waxaana idinka rajaynayaa in aad raacdaan wadadii aabayoowgiin.
Waxay rabtaa masar inay hooyooyinkiin in ay ilmaha afka kuqaataan horumarkii, nabadii iyo barwaaqadii Tigree kajirayna meel banan la istaajiyo oo wadamada dariska ah aad uqaxdaan taarikhdii 25kii sano ee udanbaysay ee Tigree ee wanaagsanaydna laga tirtiro Ethiopia dhulka Tigreena la qaybsado ayuu Abay Woldu kucalaacalay.
Abay oo hadal kiisa sii wata ayaa yidhi hadii aydaan hurdada ka kicin dhalinyarta Tigreegaw waxaa inagu habsan doonta khatartan ina dul heehaabaysa ee ah qomiyadahan kacdoonka isku dhiidhiibaya waa khatar aan la dhayalsan karin wali intaynu hadlayno fursad baynu haysanaa xaalada wadanku ku jiro waa midaan khatarteeda lamaarayn karin waad ka warhaysaan dhulka Axmarada dadkeenii Tigreega in hantidoodii la dhacay ay na noqdeen dad la bartilmaameed sado oo laxasuuqay intii ay dawladu soo badbaadisay mooyee sidaasna waxaa yidhi Abay Woldu oo lahadlayay dhalinta Tigreega.
kacdoonadan kusii fidaya wadanka maalinba maalinta ka danbaysa waxay sababi doonaan fatahaado ba.an inoo gaysan doona oo ay naan maarayn karayn hogaamiyaheeni aragtida dheera Meles Zenawi waxuu inooga tagay eray markuu xaalku sidan inagu noqdo aan isku bad baadin karo oo ah (we have complete trust in you) taasoo mac naheedu yahay waynu guulaysan haddi ay inaga go.antahay inaan guulaysano.
Dhinaca kale xukuumada Gumaysigu waxay gaysay dhulka Axmaarada hubka aadka u culculus ee dagaalka waxayna kasamaysteen dhamaan dhulka Axmaarada xeryo waawayn oo mulatery magaalada Shire oo looyaqaano guriga TPLF waxayana geeyeen waxii hub ee kaydka u ahaa Gumaysiga Itoobiya.
Abay waldu Gudoomiyaha ururka TPLF ayaa hadalkiisii kusoo gunaanaday kacdoon wadayaashu waxay energy badan u hayaan sidii ay karkaarka inoo waydaarin lahaayeen waxaana sabab u ah in xaalku sidan inagu noqdo hogaamiyayaasha TPLF qaar kamid ah oo nabada jecel, dhamaan hawlihi xisbiga Axmaarada ANDM kawaday Gobolka Axmaarada TPLF ayaa kala wareegtay oo guud ahaan dhulka Axmarada waxaa maamulaysa sida uu sheegay Maleeshiyada TPLF.
ONA.