Kulan ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan Ee Bulshada Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Beled-weyne kaaso oo looga hadlay Maamulka loo dhisayo Gobollada Hiiraan & Sh/Dhexe Ee la sheegay in dhawaan Shirkiisa ka furamyo Magaalada Jowhar.
Odayaal iyo Waxgarad kusugnaa Kulanka waxay muujiyeen in ay kasoo horjeedaan Sanduleyska ay IGAD ku dooneyso Shirka Maamulka loogu dhisayo Labada Gobol Ee Gogoshiisu taallo Jowhar.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kulanka ka sheegay Hadal si toos ah ugu socday Wakiilka IGAD Maxamed Cabdi Affeey isagoo sheegay in Danjire Affeey uu kala garan waayey Islii iyo Hiiraan sida uu hadalka udhigay.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS