Xildhibaan Cabdi Barre “ Xukuumad tii ugu tayada xumeyd ayaa Muqdisho fadhida”

36745789

Iyadoo ay sii kordhayaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Al Shabaab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho gudaheeda, ayaa Xubnaha Baarlamaanka Somaliya qaarkood waxa ay eedeymo adag u jeediyeen Xukuumadda Federalka Somaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo Baarlamaanka ka tirsan, ayaa sheegay Xukuumadda hada jirta inay tahay tii ugu xumeyd ee dalka soo marta waayahan.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay dalka inuu u baahan yahay in isbedel amni laga sameeyo, sidoo kalena Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Dowladda lagu sameeyo isbedel si loo hagaajiyo ammaanka dalka.

“Xukuumad tii ugu tayada xumeyd ayaa waddanka ka talisa, maanta haddaan mas’uul ama Ra’isul wasaare ahaan lahaa ama taliye ciidan ahaan lahaa waan is casili lahaa, maxaayeelay; waxbaan qaban waayay oo waan fashilmay, dalku isbedel buu u baahan yahaye, hay’adaha amniga isbedel ha lagu sameeyo oo dalka waxa lagu maamulayo halaga daayo, xukuumadaan aan xafiiska lahayn hoggaankana aan lahayn ee meesha ku baaba’day, labada bilood ee u hartay ha is casileen”.Ayuu yiri Xildhibaanka.

Cabdi Barre ayaa sidoo kale Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho wuxuu ugu baaqay inay isku tashadaan oo goobahooda ganacsiga iyo Hotelada ay u sameystaan ilaalo gaar ah.

SABAAX.COM