MUQDISHO:Boobka iyo dhaca Hantida Gaarka Loo Leeyahay “Nin agoon ku xaday qalin, waqti ay ku qaraxdaba qaaxo kama fogaato”

imageedit_1_9410687047.jpg

Dadka la socda xaalada ay maanta mareyso Muqdisho ayaa sheegay in magaalada ay si wayn ugu soo badanayaan dhaca iyo Boobka lagu hayo Guryaha iyo Bogcadaha ay leeyihiin dadka aan Awooda ku lahayn Muqdisho.

Waxgaradka Muqdisho a ayaa sheegay in Hantiilayaashii lahaa Guryaha iyo Bogcadaha la dhacay ay maalin kasta hortaagan yihiin Maxkamadaha Muqdisho,waxayna sheegeen in gumaysi la galiyay ku jiraan, Allaha weyna ay ka war sugayaan inow ka dulqaado kuwan  dul fariistay.

‘’Waxaa jira dad shacab ah oo la xiray,ka dibna lagala wareegay Guryahoodii’’

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Maxkamadaha Muqdisho aysan Cadaalad ahayn,wuxuuna xusay in dad gaar ah la dhacay Hantidooda.

Hogaanka cadaalada daran ee Xasan Shekh hadana ku dhisan Eexda  iyo boobka ayaa maalmahan ugu danbeeyay la soo baxay boob aan qarinayn,waxaana wakiil uga ah dad reerkiisa  hoose  sida walaalkiis iyo xaaskiisa,waana arn qarsoonayn oo Muqdisho oo dhan laga ogyahay.

Waxaa intaas sii dheer Mashruuc loo bixiyay QAADASHADA KAARKA AQOONSIGA oo lacago badan looga qaadanayo shacabka Muqdisho oo ay shirko ku yihiin Xasan Sheekh,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Madaale  iyo Taliya Nabadsugida ee cusub ninka waayeelka ah Gen.Gaafow,oo horey qorshahaas uga fashilmay xiligii oo ahaa Taliya Socdaalka Muqdisho.

 

“Nin agoon ku xaday qalin, waqti ay ku qaraxdaba qaaxo kama fogaato”

 

Tarsan oo ah musharax u taagan kursiga saaran Kaaraha #Amisom ayaa caay iyo eedeyn kala dul dhacay Damuljadiid iyo Gabre,wuxuu sheegay ciyaalka ka soo baxay SIMAD inaysan qori karin Afka Soomaaliga,wuxuuna ogaaday markii uu ahaa Duqa Muqdisho!HADA AYUUNA SHEEGAY!
Tarsan ayaa sheegay in walaalkiis ka weyn uu dilay Gabre 2007 markii ciidanka Ethiopia yimaadeen Muqdisho.WAXAA YAAB LEH INOWSAN TARSAN HORE U SHEEGIN ARINKAAS NAXDINTA LEH, HADANA LA SHAQEEYAY GABRE OO FADHIYA VILLA SOMALIA.
RUNTIIS MIYAA MISE WA RATI KACSI KALE OO SHACABKA SOOMAALIYEED LA RABO IN MARKALE LA QIYAAMO!

 

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS.