SAWIRO:-Francisco Madeira Oo Sheegay In Adeegsiga Al Shabaab Ee Miinooyinka Dhulka Lagu Aaso Ay Wiiqday Howlgalka AMISOM.

.

Madaxa Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ahna mas’uulka ugu sarreeya ee maamula kumanaanka katirsan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan Francisco Madeira ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro xarakada Al Shabaab uu galay marxalad cusub.

Isagoo kalimad ka jeedinayay siminaar ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo lagu baranayay ka hortagga Miinada ayuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay dagaalka kusoo kordhisay adeegsiga miinooyin casri ah kuwaasi oo wiiqay howlgalladii ay ciidamada AMISOM sameynayeen.

Francisco Madeira ayaa carrabka ku adkeeyay in miinooyinka dhulka lagu aaso ay halis ku yihiin wax uu ugu yeeray dagaalka Argagagaxisada ka dhanka ah ee Soomaaliya ka socda.

“Argagaxisadu ay isku dayayaan in aan galno ama aan ka soo baxno magaalooyinka waaweyn haddii aanan ka hortagin miinooyinka dhulka lagu aasayo suurtogal ma ahan in dowladnimo la gaarsiiyo soomaaliya”ayuu yiri wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ururka AU ayaa sheegay in Miinooyinka dhulka lagu aaso oo taaktiik dagaal ay ka dhigteen dagaalyahanada Al Shabaab ay gallaafteen nolosha boqolaal Askari islamarkaana ay caqabad geliyeen howlgalladda AMISOM.

“Waxaan u baahanahay in aan ka guuleysano dagaalka aan kula jirno isticmaalka miinada ee ururka Alshabaab si aan wadooyinka aan sahayda ugu geyneyno ciidamadeena ay ammaan u noqdaan.”ayuu yiri Madeira.

Midowga Afrika ayaa ka shanqariyay in Miinadu ay halis ku tahay nolosha ciidamadooda islamarkaana ay burburiso gaadiidka gaashaamaan.

Warkan kasoo yeeray Hoggaanka ciidanka shisheeyaha AMISOM ayaa kusoo aadaya xilli xarakada Al Shabaab ay sare u qaadday adeegsiga miinooyinka dhulka lagu aaso.
Waddooyinka xiriiriya Muqdisho iyo Baraawe ayaa ah meelaha ugu daran ee qaraxyada Miino lagula eegto AMISOM halka wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ay iyana tahay meel kale oo lagu naafeeyay gaadiidka ciidanka AMISOM.

Improvised Explosive Devices Among Deadliest Threats to Security In Somalia – AMISOM

http://amisom-au.org/2016/08/improvised-explosive-devices-among-deadliest-threats-to-security-in-somalia-amisom/

Liibaan Jeexoow Cabdi