Maxamuud Nuur Tarzan Ma Halyeey Gumeysi Diid ahaa Mise Dagaal Ooge Qaran!

36760784

Billaawgii sanadii 2006 markii ay shacabka magaalada Muqdisho ku bilaabeen in ay ku kacdoomaan dagaal oogayaashii dhiigga shacabka miirtay waxaa maxkamadihii islaamka garab taagnaa Ganacsato caan ah iyo dad qurba joog ah.

Maxamuud Nuur Tarzan wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii qurba joogta ah ee siyaasadda Soomaaliya kasoo galay taageeriddii Maxaakimta islaamka illaa markii dambe uu xubin ka noqday Isbahaysigii dib uxureynta garabkii Jabuuti ee Shariif Sheekh Axmed uu madaxda ka ahaa.

Tarzan ayaa taageeradii Maxaakimta ka dhigtay jaranjaro uu kusoo fuulo siyaasadda soomaaliya ee ku dhisan kadaba nashleynta xabashida Itoobiya iyo waxa loogu yeero beesha caalamka.

Markii ciidanka Xabashida ay qabsadeen magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayuu dalka Ingiriiska uga qeyb geli jiray dibax baxyada isagoo ku qeylin jiray “dalku gumeysi ayuu kujiraa”.

Balse si lama filaan ah Tarzankii gumeysi diidka ahaa wuxuu isku bedelay gumeysi kalkaal markii xukuumaddii Shariifee Itoobiya taabacsaneed ay u magacaawday guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Tarzan wuxuu kamid ahaa siyaasiyiintii cadawga AMISOM u sharciyeeyay Soomaaliya wuxuuna ka qeyb galay shirkii magaalada London ka dhacay 22,2,2012 oo gumeystaha Yurub iyo Afrika ay Soomaaliya ku kala qeybsadeen.

Ciidamada ilaalada u ah Tarzan ayaa dad shacab ah Muqdisho ku xasuuqay waxaana dadakaasi kamid ahaa wariye Cabdi Salaan Xiis.

Ninka taariikhdaas leh ayaa hadda ku hadaaqaya in haddii uu madaxweyne noqdo uu Itoobiya ka saarayo Soomaaliya, isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in haddii talada u qabto Dowladda Federaalka uu dalka ka eryi doono Jeneraal Gabre madaxa ciidanka gumeysiga Itoobiya ee Soomaaliya.

Dad badan ayaa su’aal ka keenay goorta uu Tarzan noqday halgamaa diidan gumeystaha dalka Soomaaliya kusoo duulay, aqoonyahanada iyo dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa aamisan in Tarzan uu iska gadayo shacabka Soomaaliyeed si uu raadiyo caanimo iyo sumcad.

Dhammaan hadallada uu jeediyo Tarzan waxay muujinayaan in uu kasoo horjeedo xisbiga damul Jadiid ee Itoobiya gacanta ugeliyay Soomaaliya balse Tarzan wali wuxuu ku jiraa xayndaabka kuwa gumeysiga la shaqeeya, maamulkii gobolka Banaadir ee Tarzan madaxda ka ahaa ayaa la ogyahay in Turkiga uu ku wareejiyay ilaha dhaqaalaha caasimadda waana taxaddi aan marnaba ka hari doonin Tarzan.

W/Q Warfaa Kheyrdoon

1441215_458770970893477_1254428155_n