DHAGEYS0-OWLIYO “Xasan Sheekh Xabsi Ayuu Mudanyahay Maxaa Yeelay Hanti Ayuu Dhacay”

Xasan Sheekh ayaa mudadii uu xilka hayay waxa uu ku kacay Musuqmaasuq baahsan waxaana faraha ka baxay Amniga,Xubno badan oo Dowladda Katirsanaa ayaa la dilay.

Xasan Sheekh ayaa haatan ah Musharax utaagan qabashada xilka madaxtinimada.

Siyaasiyiin shisheeyaha u adeega oo Umadda isaga dhigaya kuwa udamqanaya ayaa weerar afka ku haya Xasan Sheekh.

Maxamed Xuseen Owliyo oo ah Siyaasi u dhuun dulleela Arimaha Soomaaliya islamarkaana umadda ku oorkacsada in shisheeyaha uu kasoo horjeedo ayaa Sheegay Xasan Sheekh inuu madanyahay in xabsi la dhigo iskaba daayee in markale la doorto.

Owliyo ayaa la soo shaqeeyay Shariif Sheekh Axmed,weli waxay yihiin saxiib,wuxuuna goobjoog ka ahaa meelo badan oo ummada Soomaaliyeed Mas ku qaniinay,wuxuuna hada iska dhigayaa nin wanaagsan,wuxuuna Owliyo ka tirsan Suufiyada gobolada dhexe oo Males Sanaawi ka mid ahaan jiray.

Waxaa maalmo ka hor warkiisa la yahay Tarsan oo ay  xulufadii London wada  ahayeen  Owliyo. oo diiday Gabre ,wuxuuna sheegay in Gabre walaalkiis ka weyn ku dilay Muqdisho.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS