Yuusuf Jimcaale Madaale “Waan Qirayaa Habacsanaan dhanka ammaanka ah iyo Hagar ayaa kajirta Gobolka Banaadir”.

Maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladad Federaalka ayaa qiray in ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu faraha kasii baxayo.

Yuusuf Jimcaale Madaale oo ku magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan wadashaqeyn ka dhaxjirin guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidanka.

“waan qirayaa hagar ayaan jirta taas oo sababtay in habacsanaan weyn ku tilaam amniga gobolka Banaadir”ayuu yiri Madaale.

Mas’uulkan u hadlay dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in aysan kala qaadan taleefanada taasi oo markaati ka ah buu yiri in hagar la’aan dhanka amniga ah jirto.

Xarakada Al Shabaab ayaa isbuucii lasoo dhaafay weerar khasaara badan dhaliyay ka fulisay Hotelka SYL oo kaabiga ku haya xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

36736948

Liibaan Jeexoow Cabdi