AKHRISO:-Siyaasiyiin Soo Bandhigay Boobka lagu Hayo Dhaqaalaha Shacabka Muqdisho

pizap.com14730651917751Kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen siyaasiyiin horay ulasoo shaqeeyay Dowladda Federaalka iyo ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ayay uga hadleen boobka iyo takrifalka uu Xisbiga Damul Jadiid ka wado magaalada caasimadda ah.

Siyaasiyiintan oo sameystay isbaheysi ay dhowr xisbi ku midaysanyihiin ayay kusoo bandhigeen qey yar oo kamid ah boobka dhaqaale ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Muqdisho.

Waxyaabaha ay soo bandhigeen waxaa kamid ah dhulka boobka Xad-dhaafka ah ee maamulka Xasan Sheekh ku kacay, yagleelidda shirkado gaar loo leeyahay oo lagu boobayo dhaqaalaha shacabka, shirkadaha Turkiga ee ladagay dhaqaalaha wadanka iyo arrima kale.

Siyaasiyiintan bayaanka soo saaray oo dhammaantood ah ah xil doon ayaa isku dayaya in ay taageero ka helaan shacabka magaalada Muqdisho ee tabaalaysan balse talada DF-ka gacanta uguma jirto shacabka oo waa koox calooshood u shaqeystayaal ah oo Taangi shisheeye xilka ku haya iyo awaamirta Q.Midoobe.

https://i1.wp.com/d.top4top.net/p_247kmb71.jpg
https://i1.wp.com/f.top4top.net/p_247vx6i2.jpg
https://i0.wp.com/c.top4top.net/p_247koeb3.jpg

imageedit_1_5234714981.jpg