Inta badan mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay in ay yihiin musharixiin u taagan xilka madaxtinimada doorashooyinka soo socda.
Xasan Gurguurte iyo Cumar Cabdi Rashiid ayaa si isku mid ah u sheegay in ay yihiin musharixiin madaxweyne halka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tiro katirsan golaha wasiirrada ay horay u shaaciyeen in ay yihiin murashixiin u tartami doono xilka madaxtinimada.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ugu sarraysa Dowladda Federaalka ay lacagihii mushaaraadka ahaa ka dhimeen shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyadooda si ay ugu adeegsadaan Laaluushidda xildhibaanada baarlamaanka lasoo xuli doono kuwaasi oo lafilayo in ay madaxweynaha doortaan.
Caalamka kama dhicin in dal dhan madaxdiisa ay noqdaan murashixiin xil doon ah balse soomaaliya oo ay kajirto xukuumad Maqaar saar ah oo shisheeyaha la shaqeysa ayay tani ka dhacay.
Liibaan Jeexoow Cabdi