GABAY HA TAHRIIBIN Abwaan:Cali Saalax Siciid (Cali Daad)

imageedit_2_2926243793.jpg

illahy ayaa mahad dhamanteed iska leh. naxariis iyo nabad galyana ha ahaato nabigeena dushiisa. Tahriibta da’yartu waa aafo qaran,musiibo ummadeed iyo mushkilad Soomaali haysta.

Gabayga  waxaan ku soo qaadanaynaa gabay wacyi galin ah oo lamagac baxay HATAHRIIBIN oo ka digaaya tahriibta iyo dhibaatooyinkeeda uuna tiriyay Abwaan Cali Saalax Siciid (Cali Daad ) Gabaygan ayuu abwaanku si kooban ugaga hadlaayaa Tahriibta iyo Dhalinyarada Maanta oo baryahan danbe aad u soo kordhay dhalin badana ay ku nafwaayeen.

Gabaygii sidan ayuu ku Bilaamanaayaa Akhris wacan.

Tixo gabay ah baan tirinayaa talo wadaageede.

Tusaaliyo waxaan bixinayaa muuq tilmaan sidahe.

Tubta maqalka iifura waxbaan taabo leeyahaye.

Adigoon tahriib gelin adoon taladu kaa laalmin.

Tubtaas dheer adoon marin adoon tacadigaas doonan.

Toban beri adoon qadin adoon reerka tacab beelin.

Tiriboli adoon lagugu qaban xarig laguu taagin.

Tola’yey adoon oranin iyo lacagta soo tuura.

Tashwiish reerka adigoon kufurin tuugsi iyo qaylo.

Tacadiyo rafaad adiga oon lagugu taagtaagsan.

Tacbaan doon sadaxeed intaan mawjad kaatuurin.

Talyaaniga badiisiyo adoon barafka siituuran.

Tuugsi iyo adoon kaalmo dalab gacanta sootaagan.

Takfiir diinta maanacay intaan gaalo kuu talinin.

Tirtir gaarigaygiyo ku oran lugaha iituuji.

Tan aduun mid aakhiro intaan taladu kaaweecan.

Toobadii ilahay adoon tooska uga bayrin.

Tobankaas halaag iyo intaan shalow lagaa tuuri

Taladayda maqal oo tahriib tamanigeed jooji.

Tacliin shaqoba waad heline eebe tala saarso.

 

Taadan aad kunooshahay dalkey sharafi taalaaye.

Tol kucaawinaayaa jiriyo waalid kuu turahe.

Tixgelin baad kuleedahay xoriyad taamah oo adage.

Taladayda maqal oo tahriib tamanigeed jooji.

Tacliin shaqoba waad heline eebe talasaarso.

 

Abwaan:Cali Saalax Siciid (Cali Daad)
imageedit_1_8020717453.jpg
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS