Shaqo Joojin Kabilaabatay Oromia & TPLF oo Kawalaacsan.

36624673

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ayaa sheegaya in ay dadwaynuho kudhawaaqeen shaqo joojin kahir gali doonta dhamaan Gobolada iyo dagmooyinka dhulka Oromada, Sida warku sheegayo kacdoon wadayaasha Oromada ah ayaa sheegaya in ay shaqo joojintan socon doonto mudo 7 bari ah oo ku aadan ciidaha Muslimka iyo Kirishtanka oo ay xukuumada wayaanuhu aad uga faa’iido.

Shaqo joojintan ayaa lasheegayaa in laga dareemi doono dhamaan Itoobiya waxaana marag madoonta ah in xukuumada wayaanuhu ay aad uga walaacsan tahay kudhaqaaqista shaqo joojinta ee shacabka Oromadu ay ku dhaqaaqeen.

Dhinaca kale waxaa Gobolka Oromia saamaan koodii ka laalaabtay dhamaan shirkadihii Ajnabiga ahaa ee kashaqayn jiray Gobolka Oromia shirkadahan oo isugu jiray kuwo gabacsi, kuwo macdanka kashaqeeya iyo kuwo maal gashato lagu sheegay ayaa kabaqay in si toos ah loo bartimaameed sado isla markaana hantidooda lala wareego.

Todobaadkii tagay unbay ahayd markay kacdoon wadayaashu dab qabadsiiyeen shirkad kuwa ubaxa beera ah oo laga lahaa wadamada Holand iyo Yuhuuda waxaana halkaas ku gubtay hanti dhan 12 milyan oo Doollar waana sababta keentay in ay shirkaduhu iskaga baxaan Gobolka Oromia.

Dhinaca kale xukuumada TPLF ayaa eryay laba Wasiir oo kasoo jeeda qoomiyada Shucuubta Koonfureed ee uu kasoo jeedo ninka kooxda Raysal Wasaaraha ka ah ee Haila maryam waxaana wasiirada kamid ah wasiirka Tacliinta Itoobiya Shafara oo ay aad isugu dhawaayeen Raysal Wasaaraha, Sidoo kale waxaa mark kale si cad loodareemay khilaafka EPRDF/TPLF wuxuuna khilaafku salka kuhayaa kala shaki iyo nin jaclaysiga kooxda dhexdeeda ah iyo waliba kacdoonada dami waayay.

 

ONA