Tarsan duqii hore Muqdisho iyo Gudoomiyihii gobolka Banaadir ayaa afka furta,wuxuuna ka sheekayay wax badan oo goobjoog u ahaa iyo awood ku tagri falid loo gaystay dadka Muqdisho ku nool.
Tarsan ayaa qiray in dadka Muqdisho ku nool loola dhaqmo hab qabiil iyo eex aan dhamaad lahayn.
“Xasan Sheekh wuxuu qiray inow iska isticmaalo lacagta Ciidanka markii uu doono”
Tarsan oo hada ah musharax raba inow fuulo kursiga saaran kaaraha Amisom, ayaa eedo iyo ceebayn ula soo istaagay maamulkii oo ka tirsanaan jirey ee Villa Somalia.
Tarsan ayaa qirtay inow danbi ka galay shacabka ku nool Muqdisho,wuxuuna sheegay inow dumiyay guryo dad shacab leeyihiin,kuna wareejiyay Hay’ado iyo Shaqsiyaad gacan saar la leh maamulada ka jira Muqdisho.
“Dad guryahood ayaan dumiyay” Tarsan.
Tarsan iyo maamulada hada jira oo dhan ayaa markasta ku celcelsha in shacabka Muqdisho aysan wax wada shaqeyn ah la lahayn dowlada,waana sababta keentay in dadku nacaan oo dhibsadaan kuwan qurbaha ka soo duulay”DANYUUSBARO” ee lagu ilaalsho kaaraha Amisom.
https://voiceofsomalia.net/2016/09/09/dhageysotarsan-oo-afka-furtay/
Voice Of Somalia-SOMALIA LEAKS.