MUCJISO+SAWIRO-Shacabka Muqdisho Oo Loo Kadeedayo Sugidda Amniga Madaxweynaasha Ciidamadoodu Kusoo Duuleen Soomaaliya!

imageedit_2_3894395083

Maalintii 4-aad waxaa hakad ku jira dhaq dhaqaaqyada bulshada ee magaalada Muqdisho xilli ay soo dhowdahay munaasabadda ciidul adxaa.

Kumanaan askari oo isugu jira Soomaali iyo shisheeyaha AMISOM ayaa lagu daadiyay waddooyinka magaalada Muqdisho kuwaasi oo gaadiidka dadweynaha u diidaya isticmaalka waddooyinka muhiimka ah.

Waxaa istaagay gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gooshi jiray degmooyinka magaalada caasimadda ah, Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyihii hore ee dowladda Federaalka ayaa sheegay in waddooyinku ay sii xirnaan doonaan inta uu ka dhacayo shirka madaxweynayaasha IGAD ay ku yeelanayaan Muqdisho.

Waxgaradka Muqdisho waxay sheegeen in xirnashiyaha waddooyinka ay wiiqeen ganacsiga suuqyada waaweyn sababa la xariira gaadiidka BL-ka oo laga mamnuucay waddooyinka.

Suuqyada xoolaha oo xilligan ku mashquulsan kala iibsiga xoolaha udxiyada ayaa laga dareemayaa hoos u dhac ballaaran sababa la xiriira dadkii wax ka iibsan lahaa oo ku xayiran xaafado katirsan caasimadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi