WAREYSI-Dalxa “cuno qabateyn baa ku saaran dowlad baad tihiina waa lagu leeyahay’

Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyina ay la daalaa dhaceyso dowladda uu ka tirsan yahay.

Wuxuu ka sheekeeyay sida dowladda federalaka ah loo bahdilayo asigoo yiri “cuno qabateyn baa ku saaran dowlad baad tihiina waa lagu leeyahay’

Dalxa wuxuu tilmaamay in madaxda dowladda federalaka ah ilaalo gaar ah ka dhigteen ciidamada shisheeye oo aanay aamineyn wiilasha Soomaalida ah.

Wuxuu aad uga cawday in marka madaxda dowladda federalaka ah asiga iyo xubnaha kale la kulmayaan ciidamada shisheeye ee albaabada jooga weydiinayaan aqoonsi iyo wixii la mid ah.

Wuxuu dhaliilay kuwa sheeganaya mucaaridka oo shalay ka tirsanaa dowladda wax aan qaban oo maanta ladhiil iyo caay la taan mediyaha,sida Tarsan,Fiqi iyo kuwa kale oo ka sii xxun sida Bad Gade,Beri gade iyo Dad gade.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS

 

One thought on “WAREYSI-Dalxa “cuno qabateyn baa ku saaran dowlad baad tihiina waa lagu leeyahay’

  1. Pingback: Prof. Dalxa ” “Cuno qabateyn baa ku saaran dowlad baad tihiina waa lagu leeyahay.” (Dhegeyso)) | Welcome to Lafweyne.com|

Comments are closed.