Shirkii Xayndabka Xalane ee #IGAD

Image result for igad muqdisho
Xarunta Amisom ee Xalane waxaa lagu qabanaya shir lagu sheegay in leeyihiin waxa loogu yeero Igad, Igad waa urur goboleedka East Afrika oo  ciidankoodu “Amisom” joogo ciida Soomaaliyeed.
Igad waxaa ugu tun weyn oo ku qaraabta Ethiopia iyo Kenya waxaana wakiil uga ah Soomaaliya  Gabre iyo Ina Afey oo mudooyinkan danbe  dhibaato ku hayay gayiga Soomaaliyeed,waxayna leeyihiin ciidanka ugu badan ee jooga gudaha Soomaaliya.
Shirkan waxaa lagu soo aadiyay maalmihii loo diyaargaroobayay Ciidil Adxa oo ah maalin qiimo badan,waxaana la xayiray dhamaan shacabdkii iyo ganacsigii Boomka ahaa maalmahan oo kale,waxaa la cadibay cibaadadii, waxaan la dukan salaadihii ciida.
MUXUU SOO KORDHIN KARAA SHIRKAN?
Xalane waxaa lagu qabtay shirar hore oo aan waxba ku soo kordhin Muqdisho iyo Soomaalidaba, dhibaato maahee,waana meesha ay degan yihiin waxa loogu yeero Beesha  Caalamka “BEESHA LIXAAD” waa meel ciidamo lagu wareejiyay,saas aw tahay malahan amaan la isku halayn karo.
Maangaabyadda  Soomaalida ayay la tahay inay Igad oo Muqdisho ku shirtaa tahay horumar Soomaali gaartay,waxaad ogaataa in Ethiopiya iyo Kenya ay yihiin waxa shiraya, waxaa la jira oo wehliya waa  Musaveni,  dhaqaalo  doon ayuu u joogaa Soomaaliya,wuxuuna kaalmo u yahay walaalihiisa caqiidada,Ina Cumar Geele waa Soomaali dulaal ah oo wuxuuna ka ganacsadaa dhiiga Soomaalida, u fiirsa meeqa shir ayaa jabuuti lagu qabtay maxaa Soomaalida uga soo baxay oo aan dhib ahayn.

Arrintu ma tahay! “Iilka kii dhigay u ergootooy”

Editor  Somali Leaks