Shirka Igad ee Muqdisho ayaa ahaa qorshe ay wateen kuwa soo duulay Soomaaliya,waana kuwa ciidankoodu joogo Somalia.
Kulan ay agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku yeesheen Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayay isku afgarteen in diyaaradihii khaatka ka keeni jiray dhanka Kenya ay si caadi ah usoo caga dhigtaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Kadib Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii maamulka Villa Somalia uu magaalada Muqdisho ka mamnuucay khaatka oo dhaqaale malaayiin dollar ah maalin walba kasoo galo dowladda Kenya arrinkaasi oo saameyn xun ku reebay beeralayda Kenya balse khaatka ayaa si caadi ah ugasoo degay magaalooyin ay kamid yihiin Garoowe, Gaalkacyo, Kismaayo, Hargeysa iyo Baydhabo.
Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay in duulaanka lagu soo qaaday Soomaaliya uu qeyb ka yahay qaadka oo lagu mashquulinayo dadkii la rabay in dalka ay difaacaan oo ay horumar gaarsiiyaan.
“Qaadka Ma joojin karaan kuwa madaxda sheeganaya maxaa yeelay iyaga ayaa cuna“
Sheekh Cali Dheere
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS