Qorshaha saraakiisha ciidanka Tigreega oo adeegsanaya madaxa is maamul Kililka ay Lacagaha Taageerada lagu sheegay uga aruursanayaan shacabka Ogadenia, ayaa abuuray cadaawad iyo nacayb hor leh oo loo qaaday shacabka Ogadenia.
Kadib markii kooxda Jigjiga sida Indha la’aanta ah ugu dhawaaqeen inay Hiil iyo Hooba la Garab Taagan yihiin kooxda TPLF, ayna Lacagta malaayiinta ah geeyeen magaalada Maqale ee xarunta maamulka Tigreega ayaa waxaa bilawday cadaawad xoogan oo Qomiyadaha Oromada iyo Amxaradu u qaadeen Guud ahaan Soomaalida.
Shacabka Ogadenia ayaa durba dhibane u noqday cadaawada siyaasiga ah ee loo abuuray waxaana magaalada Addis ababa siyaabo kala duwan loogu weeraray Soomaali badan oo si iskumid ah ay u weerareen dhalinyaro kasoo kala jeeda Qomiyadaha Amxarada iyo Oromada.
3-kamida dhalinyarada ree Ogadenia ee wax kabarata Jaamacada Addis ababa ayaa waxaa weeraray oo dhaawacyo culus u Gaystay ardaydii ay wax isla baranayeen oo kasoo jeeda Amxaro iyo Oromo, waxaana weerarka ardaydan lagu xidhiidhiyay cadaawada siyaasiga ah ee saraakiisha kooxda TPLF u abuuray shacabka Ogadenia.
Magaalada Diridhaba ayaa waxaa sii xoogaysanaya colaada loo qabo Soomaalida waxaana adag in ruux Soomaali ah uu kaligii dhex socdo meelo badan oo kamida xaafadaha magaalada Diridhaba, sidoo kale Gaadiidka dadwaynaha ayay adag tahay in wax koox kayar ay Soomaalidu ku raacaan, waxayna xaaladu kasii dartay Todobaadkan oo ay soo baxeen kooxo abaabulan oo beegsanaya ruux kaste oo Soomaali ah Rag iyo Dumar ba.
Hadalada nacaybka iyo cadaawada Qayaxan muujinaya ayaa ah kuwo ay si badheedh ah ula taagan yihiin dadka kasoo jeeda Qomiyadaha Oromada iyo Amxarada, kuwaasi oo u arka in Somaalida iyo Tigreegu isku mid yihiin maadaama warbaahinta Woyanaha si aada u buun buunisay Taageerada kooxda Jigjiga kuna Tilmaantay Soomaalida saaxiibka ugu wayn ee Tigreega.
Dalmar Caga-yare
Ogaden24 Jigjiga