WAXAA BURBURAYA XISBIGII DAMMUL JADIID.

pizap.com14738759085131.jpg

Khilaaf maalmahan la qarinayay ayaa ka dhex taagan Xisbiga dhexdiisa,waxaa sida muuqata isku soo haray Xasan Sheekh, Faarax iyo dad u badan dhalinyaro sida Odawaa iwm.
Waxaa horey Xisbiga  uga baxay dad diiday qaabka loogu tagri falo dhaqaalaha soo gala maamulkooda fadhiistay Villa Somalia.
Dhaqaalahaas waxaa ka mid jaamacadaha Xamar intooda bada, Skoolaadkii sare ee  Soomaalida oo ku jira gacanta xisbiga.
Waxaa siro badan oo qarsoonaa bixiyay  Kamal Guutaale iyo Fahad Yasiin oo ay hada is hayaan Faarax Cabdulqaadir.

Xisbiga ayaa wajaha mucaaradad xoog oo ka imaanaysa rag la soo shaqeyn jiray, kana war haya halkay salka ku hayaan,kuwaas oo intoodii badnayd isku aruursaday waxa loogu yeeray “MUCAARIDKA ISBEDELDOONKA  AH”

Cabdikariin Guuleed ayaa ka soo muuqday isaga oo booqday Shariif Sheekh Axmed oo  ah musharax raba inow markale fuulo kursigi Kaaraha Amisom saarnaa ee Villa Somalia yaalay!.

Guuleed ayaa xanuunsaday waxaana lagu sameeyay qaliin wadnaha ah,sidaas daradeed waxay Damul Jadiid kula taliyeen inow xilka Galmudug ka dego iskana nasto,waana meesha labaad  oo khilaafka xoogiisa keentay.

Shirar maalmahan ka socday Muqdisho ayaa lagu arag Guuleed iyo rag dhalinyaro ah oo xisbiga ka tirsan,waxaana la filayaa in maalmahan soo socda ay soo muuqdaan meel aan Xasan Sheekh iyo Faarax aysan  jeclaysan.

Xasan Sheekh iyo xisbigiisa Dammuljadiid ayaa laga nacay Muqdisho,waxaana aad looga habaaray maalmihii Ciida oo ay jidadka u  xireen waxay ugu  yeereen Shir Igad leedyahay,kaaso shirqool markale loo dhigay Soomaalida.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS