Wararka ka imaanaya Moqokori ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay saaka aroortii hore isaga baxeen degmada iyagoo u jihaystay dhanka degmada Maxaas.
Ciidanka gumeysiga Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa faarujiyay dhammaan saldhigyadii ay uga sugnaayeen Moqokori.
Maleeshiyaad Soomaali Amxaara Kalkaal ah oo Itoobiyaanka ku wehlinayay duullaanka Moqokori ayaana iyana isaga cararay degmada 20 daqiiqo kadib bixitaanka ciidanka Itoobiya.
Laba Bilood ka hor ayay sidaan oo kale ciidamada Itoobiya uga baxeen deegaanka Mubaax oo qiyaastii 8 KM ujira magaalada Aadan Yabaal ee sh/dhexe.
Ciidamada Al Shabaab ayaa dib ula wareegay Bilihii July iyo Augst 2016 illaa Afar magaalo kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya waxayna magaalooyinkaasi kala yihiin Buurdhuxulle,Rabdhuurre,Garasweyne iyo Galcad oo ka kala tirsan gobollada Galguduud iyo Bakool.
Ciidamada Itoobiya ayaa la daaladhacaya culaysyo badan xaga sahayda iyo isku socodka markii ay gaareen dhul kala dheer,waxaana meesha ka baxay awoodooda ciidan, waxa kale oo waxba tarin Maleeshiyaadka Soomaalida ah oo noqday kuwa aan ka maarmi karin Xabashida,awoodna u lahayn inay hal saac sii joogaan meeshii Ciidanka Itoobiya ka baxo.
Waxaa kale oo colaad ka oogantay gudaha Itoobiya,waxayna isku haystaa qowmiyad waana dagaal bilow ,wuxuuna saamayn ku yeeshay ciidankii lagu soo daabulay Soomaaliya.
Nin nabaddoon ah oo ay afar bilood ku xireen Budbud(Galgaduud) ayaa sheegay inow ka ogaaday kuwa u tarjuma ciidanka Itoobiya inay sii baxayaan,kuna noqonayaan gudaha dhulkooda, laakin marka hore la iskugu gayn doono Beledweyne kuwa jooga Hiiraan.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS