Ciidamo Daacad U Ah Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho Lagu Arkay

pizap.com14741928134681.jpgSiyaasiyiinta Mucaaradsan Ururka Damul Jadiid ayaa dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog badan ka wada magaalada Muqdisho iyo Nairobi.

Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaq dhaqaaq ka wada xaafado dhaca waqooyi Bari ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaad ah oo daacad u ah Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu diyaariyay xaafado katirsan degmooyinka Yaaqshiid,Kaaraan iyo Shibis.

Gaadiid Cabdi Bilalayaal ah iyo Laangaruusarro lajaray ayaa lagu xareeyay dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali oo Kaabiga ku haya isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan.

 Mid kamida dadka ku howllan soo dhoweynta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in qoryaha dhashiikayaasha loo yaqaan lagu rakibay illaa iyo 6 gaari islamarkaana hub loo qeybiyay ciidamo gaaraya sedax boqol oo askari.

Toornada lagu farsameeyo Biraha ee kutaal Sanca ayaa lagu diyaarinayaa dhowr gaari oo kuwa Tikinikada ah, xaafadda Shibis ee magaalada Muqdisho iyana waxaa lagu aruuriyay dhalinyara deegaanka ah oo la sheegay in ay ciidan u noqon doonaan Shariif Axmed.

Isgoysyada fagax iyo Siisii ee waqooyi Bari magaalada Muqdisho iyana waxaa lagu arkay maleeshiyaad hubeysan oo aan wadan dareeska lagu yaqaan ciidamada Dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in 7 maalmood gudahood uu Shariif kusoo gaari doono magaalada Muqdisho islamarkaana uu ku dhawaaqi doono in uu u taaganyahay xilka Madaxtinimo ee dowlada Federaalka.

Guluf dagaaleed dhanka siyaasadda ah ayaa usoo galay Ururka Damul Jadiid oo afartii sanadood ee lasoo dhaafay majaraha u hayay hoggaanka DF-ka islamarkaana kaabayaasha dhaqaalaha dalka ku wareejiyay dowladda Turkiga arrinkaasi oo faqri iyo dhaqaale darro u horseeday shacabka magaalada Muqdisho.

Falanqeeyayaasha dhanka siyaasadda ayaa rumeysan in hoggaamiyaha cusub ee dowladda Federaalka uu noqon doono siyaasi dabadhilif ah oo ay wataan dowladaha Itoobiya,Mareykanka iyo waxa loogu yeero beesha Caalamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi.