DHAGEYSO:-Kaa Kuwama Kuwa u Eedaysan Badda Soomaaliya

36829121.jpg

Heshiiskii qarsoodiga ahaa ee Kenya lagula galay iibsiga dhulbadeedka Soomaaliya masuuliyadeeda waxaa lahaa 5 shan nin oo ka tirsanaa dawladii qaribnayd ee Shariif Sheekh Axmed,Shantaas nin ayaa kala aha, C/raxmaan C/shakuur,C/raxmaan Ibbi, Cumar C/rashiid, Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan , Shantaan nin ayaa la sheegay inay dawlada Kenya ka qaateen lacag gaaraysa 50 Malyan oo dollar.

Shantaan nin iyo dawlada Kenya waxaa u dhexeeyey oo dalaal u ahaa shirkado shisheeye,lacagtii laga qaatay Kenya ee looga iibsaday Bada Soomaaliya ragii qaatay kuma heshiin ee waa sii kala dhaceen, lacagta xoogeedii waxaa dhacay dalaaliintii iyo rag Soomaali ah, shantaan nin ee loo haysto Bada Soomaaliya waxaa soo raacay 15 nin oo kale oo Soomaali ah oo wax ogaa iibinta bada oo xoogaa lacag ah lagu aamusiyey.

Hadaba dawlada Kenya waxaa ay daba joogta dhaqaalihii uga baxay  iibsiga Bada Soomaaliya, waxaana ay hada wadaa dhaqaale kale oo ay ku doonayso inay meel mariso go,aankeedi ahaa inay lawareegto dhulbadeed balaaran oo ay soomaali leedahay, Kenya ayaa hadda dardar galisay wax kasta oo sahli kara qaadashada Biyaha Soomaliya, dawlada Kenya ayaa loyaro caalami ah idirsatay maxkada caalamiga ah ee Hague, waxaana garab socda shirkado shisheeye oo garab u ah Kenya.

Bada Soomaaliya waxaa ay murugu ku haysaa cid kasta oo damiir leh oo garanaysa wanaaga uu lee yahay  dalkiisa hooyo, umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto waxaa ay indhaha ku hayaan gardara ay Kenya la damacday  umada Soomaaliyeed oo ay ku doonayso inay boobto dhulbadeedka.

HOOS KA DHAGEYSO  WAXA LAGA SOO WARIYAY RAGII IIBSADAY BADDA SOOMAALIYEED.

 

 

voice Of Somalia-SOMALI LEAKS