Kulankii Madaxda IGAD ee lagu qabtay Muqdisho Maxaan ka Faa’iidney?

 

36829027Magaalada Muqdisho waxaa ku soo gebageboobey kulankii 28-aad ee Madaxda Urur Gobleedka IGAD, inta aan xasuusto waa markii ugu horeysey ee ay Soomaaliya marti geliso kulan Madaxda IGAD isugu yimaadaan, kulanka ka dib, Heshiis ayaa la gaarey su’aashu waxay tahay Heshiiska maxaan ka faa’iidney haddaan Soomaali nahay? Inta aanan u gelin ka jawaabidda su’aashaas waa sidee dareenka dadka Muqdisho oo ay xayiraadi saarnayd shantii maalmood ee la soo dhaafay?

Abaarihii 8:40 ayaan saaka soo raacay Gaari Gaadiidka Dadwaynaha ah markaan wax yar soconey ayuu sheegay wadihii baabuurku in Wadooyinku welli sidii u xiran yihiin uuna marayo halkii suurtagal ah, mid ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ayaa yiri. “War ileen tanoo kale, maxaa saakana loo xiray Wadooyinka? sow shirkii IGAD ma dhamaan?” Nin shirka gaariga saaraa oo sheekada xiiso u qabey ayaa intuu soo jeestey yiri. “Adeer Heshiiska la gaarey waxaa ku jirta in Qaadka Magaalada la keeno”

Waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Madaxwaynaha Kenya Mr. Kenyata Xalay waxa uu ku baryey Magaalada waxa uuna wacad ku maray in aanu tegeynin tan iyo inta Qaadku imanayo si uu u hubiyo in Heshiisku dhaqan galay iyo in kale”. Hal mar ayaa la qoslay waxaana bilowday in la naqdiyo. Ninkii ayaa hadalka qaatay oo yiri. “Hadaad warkayga been u haysataan Wadooyinka isaga ayey u xiran yihiin, waxa uuna raacayaa diyaarada ugu horaysa ee Qaadk keenta markaas ka dibna dariiqyda waa la furayaa”.

Islaan da’ dhexaad ah ayaa soo boodey oo tiri. “Heshiiskii ma waxa uu noqday in Qaadka naloo keeno oo kaliya mise wax kalaa jira”. Darawalkii gaariga ayaa yiri. “Heshiiska qodobo badan ayaa ku jirey oo xitaa waxaa laga wada hadlay in la fududeeyo diyaaradaha rakaabka ah ee Wajeer ku dega inta aanay Nayroobi gaarin”.

Islaantii hadalka bilowday ayaa soo boodey oo tiri. “Aniga hadaan ahaan lahaa Madaxwaynaha Soomaaliya kama yeeleen Kenya iney Qaxootigeena maalin walba dhibaan inagana aan ogolaano iney Qaadka iyo dhibkiisa noo keenaan”. Waxay hadalkeda sii raacisay “Walaahi anigoo naag ah oo nus ah marna ma aqbaleen Heshiiska la gaarey inta Soomaalidu ay xor u noqonayso iney dhex mushaaxaan Kenya oo dhan” Waxayna hadalkeedii ku soo gebagebeysey “Ciiloow way aniga meesha in la I geeyeey ahayd”. Intii hadalku socday ayaa nalaku war geliyey in Wdooyinkii dhammaan furan yihiin iyadoon naloo sheegin sababta ay markii horeba u xirnayeen.

Gaarigii Dadwaynaha ayaan ka degey waxaana aan tegey mid ka mid Maqaayadaha lagu qaxweeyo oo saaran Wadada Maka Al mukarma, hadal haynta ugu badan waa xayiraada laga qaaday Qaadka iyo Qodobadii ka soo baxay kulankii Madaxda IGAAD, waxaa miiskii aan fadhiyey ku soo biiray Askari Booliis ah oo ay ka muuqato Isteelaha Gaashaanlaha, waxa la waydiiyey Heshiiska iyo sida uu u arko, waxa uuna yiri. “Wax walba oo la isla soo qaaday waa lagu heshiiyey” waxaa la waydiiyey waxa lagu heshiiyey. Intuu hareeraha eegay buu yiri. “Waxaa lagu Heshiiyey in aan la dhaqaaqin” waxa uu intaas ku daray “Waxaa kaloo lagu Heshiiyey in aan la isu gudbin”.

Nin markaas soo istaagey oo hadalka Kornaylka gadaal ka soo gaarey baa yiri. “Anigu waxaan u haystaa in Ujeedka Shirka Madaxda IGAAD ay ahayd in Qaadka la fasaxo oo kaliya”. Nin kale ayaa hadalka qaatay waxa uuna duray Heshiiska la gaaarey, waxa uuna yiri. “Anigu hadaan Heshiiska geli lahaa oo aan ogolaado in Qaadka la keeno Soomaaliya marna ma yeeleen in diyaaradaha Qaadka ay laabtaan iyagoo maran” waxaa la su’aaley sida uu wax u rabo, waxa uuna yiri. “Waxaan Dowladda Kenya ku qasbi lahaa in Diyaaradahaas la saaro waxyaabaha Kenya laga rabo sida Digirta, Sisinta iyo khudaarta noocyadeeda kal aduwan gaar ahaan inta Kenya laga rabo”.

Dad badan ayaa iswaydiinaya waxa Madaxwaynaha Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud ku xanbaari waayey in Qaadka oo aan faa’iido u lahyn Soomaalida dhibaato mooyaane uu calal aqal u dhaafsan waayey wax muuqda oo Soomaalida u cuntama. Si kastaba marka laga yimaado in Soomaaliya Marti geliso Shirka Madaxda IGAD, waxaa ka faa’iidey ilaa iyo hada Xukuumadda Kenya oo kaliya waxa uuna saacado kadib ka hir galay dhinaca Soomaliya, Kenyana waxaa la quuddaraynayaa in uu ka dhaqan galo ku dhowaad Boqol Maalmood ka dib hadiiba ay Ogolaadaan ama Daacad ka yihiin .

W/Q. Cabdinaasir Xersi Iidle

E-Mail naasirx1@gmail.com