Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda aysan sii joogi karin Soomaaliya si ay uga sii mid ahaadaan howlgalka Midowga Afrika ka wado Soomaaliya (AMISOM).
Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) Jeneral Katumba Wamala ayaa ku sababeeyey inaysan Soomaaliya sii joogi karin labo arimood oo kala ah:
1- In Midowga Yurub uu dhimay Mushaarkii Ciidamada AMISOM.
2- In Qaramada Midoobey ay diiday inay Uganda magdhow gaarayo 10 Milyan Dollar ka bixiso 7 Sarkaal iyo diyaarad Helikobter ahayd oo iyadoo Soomaaliya ku sii jeedo ku burburtay galbeedka Kenya sanadkii 2012-ka.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in diyaaradda Helikobterka ee ka burburtay Uganda ay ku dhacday meel ka baxsan howlgalka AMISOM (Out of Mission Area).
Dowladda Uganda ayaan rabin inay ka baxdo howlgalka AMISOM balse waxay u cago jugleyneysaa Midowga Yurub iyo QM si ay u bisleysato lacagaha iyo magdhowga ay weydiisanayso.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS