DAAWO:- Lacag Laga Xadday Bankiga Dhexe Laanta Dekedda Muqdisho!

Labo bilood gudahood si xatooyo ah bankiga dhexe ee Soomaaliya waxaa loogala baxay lacag ku dhow hal milyan oo dollarka Marekanka ah.

Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir,Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa maanta shaaca ka qaaday in lacag gaaraysa labo boqol iyo afar kun oo dollar [$204,000] uu lunsaday,Cabdi Maxamed Abuukar (Dhiiley) oo lugu sheegay guddoomiyaha laanta bankiga dhexeuu ku leeyahay dekedda Muqdisho.

Maxkamadda racfaanka waxaa ay amar ku bixisay in guddoomiyaha laanta bankiga dhexe uu ku leeyahay la horkeenno maxkamadda si wax looga waydiiyo lacagta lugu eedeyay inuu lunsadey,laakin taas ma dhicin oo waxaa la soo xiray qof kale oo ka mid ah shaqaalaha laanta,sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir.

Inta waxuu ku darey Soomaaliya in laga heysto garsoorka iyo caddaaladda dalka;

Bil ka hor sidan oo kale mid ka mid ah qasnajiyada bankiga dhexe ayaa la baxay nul-milyan dollar,kaddibna dalka ayuu isaga baxay.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS