Kacdoonka isu badalay dagaalka Hubaysan ee kasocda dhulka Amxaarada ayaa sii xoogaysanaya waxayna Horjoogayaasha dagaalyahanadda wax iska caabintu xaqiijiyeen dilka saraakiil sare oo katirsan ciidamada Woyanaha.
Dagaal kadhacay duleedka Debra-Tabur ayay dagaalyahanaddu sheegtay inay ku dileen Taliyihii ciidamada Woyanaha ee Aagaasi kahawlgalayay, waxaana Horjooge ay soo xigatay saxaafada Taageerta maleeshiyadu sheegtay in Taliyaha la ladilay 12-Askari oo kale.
Dagaalka kadhacay duleedka Debra-Tabur ayay dagaalyahanaddu kasheegteen inay Hub iyo saanad ciidan oo badan kaga furteen ciidamada Woyanaha.
Dhinaca kale dagaalyahanadda ayaa sheegtay inay dagaalkii kadhacay deegaanka Selebas ee duleedka Gonder ay isna kudileen 2-dii sarkaal ee Hogaaminayay dagaalka, waxayna sidoo kale sheegeen inay dagaalkaasi ku qabteen 34-Askari halka tiro aan intaas kayarayna ay ku dileen.
Dagaalyahanadda wax iska caabinta Amxarada ayaa waxaa u galay ciidama badan oo katirsanaa milateriga Woyanaha kuwaasi oo haatan dagaalada kasocda dhulka Axmarada kaalin fir fircoon kaqaadanaya.
Xaalada Itoobiya ayaa isku bedelaysa si lama filan ah,waxaana laga dareemayaa ciidamada ku sugan gudaha Soomaaliya,gaar ahaan dhulkii beri xor ka ahaan jirey Xabashida,dhaqdhaaqyo aan kala go’o lahayn ayay ku suan yihiin dhamaantood, gaar ahaan Hiiraan, Galgaduud, Gedo ,Bay iyo Bakool.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS