Soomaalida waxaa haysta dhib aan dhamaad lahayn,waxaa ugu darana waa inay xusuus yar yihiin,maxaa yeelay ma xusuustaan jidkii ay shalay ku go’een.
Kenya waxay haysataa qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed,gaar ahaan dekedda weyn ee Kismaayo iyo dhamaan dhulka ku wanaagsan xoolaha ee ku dhaw wabiga Juba,waxaa kale oo haysataa dhul Shidaal iyo Gaas ceegaagaan,mana jirto qof hortaagan oo aan ka ahayn wiilaal yar yar oo Soomaali ah oo aduunku yiri waa Argagaxiso,dabadhilifka Soomaaligana ahna ugu yeero Nabab Diid.
Kenya waxay u taqaan siyaasiga Soomaaliga ah inow yahay caruur ay dhashay oo kale waxay tijaabiyeen shirkii Doofaareey ama Imbigati oo lagu soo dhoodhoobay kuwii Xabashida Xamar keenay, siyaasi Kenyan ah WATANGULU wuxuu hore u yiri “WAA CARUURTEENA HALKAN “NAIROBI ” AYAAN KU KORINAY, KUNA HAYNAA,MARKA WAXBA NAGAMA DIIDI KARAAN”
U FIIRSO SIYAASIINTA DHAMAANTOOD MUCAARID IYO MUXAAFID WAXAY DEGAN YIHIIN NAIROBI!!
Kenya waxay xasuuqdaa maalin walba caruur, Dad da’a ah.Xoolo nool iyo Ugaar, mana jirto qof ka damqata oo haba yaraatee muujisey inay ka xuntahay maamulada ka jira Soomaaliya oo dhan.
Kenya waxay isku dayday inay darbi ku wareegsato dhul Soomaaliyeed oo ay xageeda u xirato,waxayna tijaabisey inay kala goyso magaalo Soomaaliyeed “BELED XAAWO”,waxaana ayaantaas kacay oo is waalay Soomaali iska dhigaysey wadaniyiin,Sida Abwaan Sangub, intee ku danbeeyeen,SANGUB waxay qaraabo yihiin kuwa Kenya keenay Kismaayo!.
QIIRO JABAANKA IYO SOOMAALIDA
Maalmahan way qiironayaan wax kalena ma qaban karaan, ilaah amarkiis,dhulkoodii waxaa la qaatay iyaga oo nool,Baddana waxaa la qaadanayaa iyaga oo qiiroonaya oo hoos u qaylinaya!
U fiirso dhibka haya waa qabyaalad iyo diin yari,go’aana kama qaataan nolosha oo way ku dhiban yihiin,dhulkan dhiigbaa loo soo daadshay,welina waa loo daadinayaa,ninkii aan safkaas buuxin karin,ha iska aamuso oo caruurtiisa ha haysto.
WABILAAHI TOWFIIQ.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS