Munaasabada Loo qabtay in Ka Badan 60 Askari oo Ka Goostay Ciidamada Dowladda Kuwaasi oo isku dhiibay Alshabaab ayaa ka socota Masagawaa,sida ay sheegayaan dadka Degaanka oo lala hadlay.
Ciidamada ayaa dhamaantooda waxa ay wataan Qoryahii ay ku dagaalamayeen Sida la sheegayo.
Askartaan ayaa ahaa kuwii la socday Xabashida Ka Carartay Deegaanka Budbud iyo Moqokori ee Gobalada Galguduud iyo Hiiraan.
Waa Ciidamadii ugu badnaa ee Marqura isku dhiiba Xarakada Alshabaab, Waxaana Dhabar Jab ay ku tahay Dowladda Dhacday ee Madaxda uyahay Xasan Sheekh.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS