Waa Gabayga DHOWS Oo Ku Saabsan Tilaabadii XASAN SHEEKH ku Dhiibay Dhulka Soomaali Galbeed

Maansada dhudunkeeda waa dhigi aqaanaaye
Waa hibo igu dheehanoo la iga dhowraaye
Aan dhagaatiguu xiro in ay dheelisaa daran’e

Ula booco ruux ugu dhutiya inuu ku dhuun gooyo
Dhankaaga fursadduu ka helo waanow dhumineyne
Ujeedkana hadaan soo dhiftee dhab uga faaleeyo
Dhirtoo bixi dharqa iyo caleen leysku wada dheehay
Xeraadoo dhubub iyo god iyo meel dhabbe ah taalla

Dhiinjar ubaxa dhoorey shimbara dhawaq rahoo yeera
Geeloo dhalay dhakal xoor ku taal dhoqosyadoo buuxa

Awrka dhibadu saameysayoo dhirimbiyoo guuxa

Arigoo dhamaantii cayilay subaga oo dhooban

Dhamcasiyo galleydoo baxee dhigaalka oo yaalla

Dhufaan xuukihiisi iyo dheegga iyo beerka
Dhalinyariyo waayeel dadkoo dhaay qur qurinaaya
Barwaaqadaa waxaa iga dhabjiyay igana dhooqeeyay

oo abaar I dhowriiriyoo dhaahin iga soonshay

Gumeysi igu dhirirsan een dhinacna ii deyne

Dhibka iyo rafaadkaan wax badan aan dhan ula jiifay

Dhafoorkeya diifaha ku yaal ee i dhalan doorshay

Waxa dhabaneydaa sidii dhuxul madoobeeyay

Sida geel dhukaan qaba waxaa dhogor xun yeelay
Faceygoo dhexduu weyn waxaa dhuubne iga yeelay
Oo dheray inaan buuxsadoo dherega ii diiday

Gumeysi igu dhirirsan een dhinacna ii deyne

Inbtaasi xaqiiqada dhabiyo dhumucda weeyaane

Murti aan dharaandhiriyiyo dhamalo weeyaane
Dhambaal kalena aan raaciyoon laga dhamaneynin

Saliibigaan dhulkeygii degee dhaamay sharafteydi

Markastoon ka dhiidhiyo amaan aad dhabanaansho

Dhememiyo xildoon kuwa ahaa dhaadka ii gala’e
Dhawaqooda waa necebiyo dhaayo aragoode
Dhalyay ila wadaagaan kufrina ways dhex galayaane

Sida ay isugu dhafmeen waan la dheygagaye
Abeesiyo dhasheedii iyo waa dhig iyo loole

Sida dhirindhir weeyaan iyo dhaah ka soo duxa’e

Shisheeyaha ninkii dhuux u shubay amase dhiigsiiyay

Inuu dhaqanka diineed ka tegay oo dhalan guuray

Midki dhiifle waa garanayaa oon dhabcaal noqone

Dhuunkaal siinayaa iyo rasaas lagu dhalaalshaaba

Waa in dhuubka loo daro wuxuu dhimasho gaaraaye

Inbtaasi xaqiiqada dhabiyo dhumucda weeyaane
Murti aan dharaandhiriyiyo dhamalo weeyaane

Dhambaal kalena aan raaciyoon laga dhamaneynin

Dhaxalkii awoowii nin raga dhiibi malahayne
Cadawgana intuu dhiil u culo uma dhiteeyeene
Dhulkiisana ma siiyeen iyo dhaqayadiisiiye
Habliisa dheemanana muu ugu dhawaadeene
Iska dhurana muu oran laheyn wixii dhaqaalaaye

Ha yeeshee dhameys kaan ahayn dhidiradoow looge

Dhurwaagii xasan sheekh ahaa wuu na dhaawacaye
Dhugxumaanta waa lagu yaqiin amase dhoohnaane

Weligiiba dhows buu ahaa iduhu dhaamaane
Dhamac lagu ridkaa waa hubow dhiilo galay weyne
Dherebtii in kaa lagu maroo aanu dhimir haynin
Oo dhaandhaana uu yahay waxba anan dhowrseynin
Dhaantada markii loo tumee looga dhagacsiiyay
Oo gabdhuhu u dheeleen tigree dhaqanka uu seegay
Dhooluhuu cadeeyo islulay dhaaw in uu qaba’e
Wayaanuhu wuxuu ii dheh yiri dhooq la soo yiriye
Nacaskaa dhaguugane bukkaa dhiiqa nagu seyre
Ha yeeshii rag baa dhaarsan oo dharas ka muuqdaaye
Dhantaalkiiye ceebtuu na baday waa la dhaqayaaye
Gaalo iyo ninkey dhaansataa lagu dhilaa maare
Dhoombir iyo dhashiikiyo shilkaa lagu dhufaayaaye

Dhadhabkiyo dhalenteedka jaan waa la dhiciseyne

Inbtaasi xaqiiqada dhabiyo dhumucda weeyaane
Murti aan dharaandhiriyiyo dhamalo weeyaane

Dhambaal kalena aan raaciyoon laga dhamaneynin

Aduunyada midkii dhool u qaba aan dhibcaha joojin
Wirwirkeedu kuu dhagaryiyo dhalalac beenaadku
Dhacadiid u jiifaha intii dhimatay aan doorin
Dhuq dhuq iyo qosol badan iyo dhararaq mooyaane
Dadnimada midkii laga dhuftee lagana dheereeyay

Dhadigood midkaan gaari hayn iyo dhaalaankooda
Dhexdiisu midkii ay bugtee weliba dheecaantay
Muslim dhaajis waa laga tegaa dhoobo quruntaahe

Dharaartii lugeyniyo habeen dheelmad socanaaba
Dhaxan seexana iyo harkii dhidid na qooyaaba
Dhagax lagu cagaagyaa iyo xanan dhex qaadnaaba
Cidiyuhu dhilqeenaa iyo dheecaan galayaaba

Dhiidhiitii nagu mariqyayaa amase dhiigtaarba
Dharkeyn iyo dhay dhay baxay iyo dhuyaca jiirnaaba

dhilmaayanyadu na dhuuqdaa iyo dhuug na cunayaaba

Dhedheduba marbay nolol tahoo laguna dhaataaye

Si aan dhibic biyaa aan u dhelo dharab majuujaaba

Dhadoobada ontorada iyo dhuundhus xabagtiisa
Dhafaruur cunaa iyo mareer dhuunta marinaaba
Hohob dhefsanaa iyo jinaw dhunux la siiyaaba

Nin jihaad dhabtii doonayaa dhiiran weligiiye
Dhal dhalaal aduunyiyo ma rabo dhaashi iyo nuure
Dhakashana ma yeelaayiyo inuu is dhiibaaye
Sida yurub kuwuu dhoofayay dhuumo laga waaye

Insha alllaah sidaan dhowrayoo aan ku dhigay maanka
Dhagax buur warkeed daa iyo dhinacyadii howde
Adis ababa wow dhaansanaa subaxaan dheereyne

Kaniisada dhidibkeeda waan kala dhilqaayaaye
Dhusuqley amxaaradana waa dhabar jebaabaaye

Dhardhaarada wayaanahana waa kala dhaqaajaaye
Itoobiya waxay dhaha hayaan waan dhambalayaaye

Shareecadana waa lagu dhaqaa ay dhibsanayeene.

imageedit_1_4427049767

Waxaa tiriyay Abwaan “Wariye” Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-Soomaali)