Cabdiweli Gaas ayaa warqad digreeto dad badan layaabeen oo kasoo baxday xafiiskiisa waxa uu uu ku magacaabay Safiir uu ku sheegay in Puntiland wakiil uga noqonayo dalka Itoobiya.
Warqada kasoo baxday Madaxweynaha Puntiland ayaa lagu sheegay in Dowlada Puntiland ay u magacawday Sureer Abshir Muuse in uu noqdo Safiirka Dowlada Puntilnad u fadhiya dalka Itoobiya.
Waxaa si toos ah usoo shaac baxaya in Dowlada Itoobiya aysan marnaba raali ka aheyn in Soomaaliya ay yeelato dowlad xoog leh, waxa ayna taa badalkeeda gadaal ka riixeysa in ay awood yeeshaan maamulada dalka ka jira ee amarkooda ku shaqeeya.
Itobiya ayaa ka dambeysay dhismaha maamulada dalka ka jira iyo in Soomaaliya laga dhigo Federaal, waxaana dowlada Itoobiya qorshaheedu ahaa in la waayo Soomaali isku xiran oo xoog leh, waxa ayna Dowlada Itoobiya xariir toos ah la leedahay maamulada dalka ka jira oo amaradeeda u dhaga nugul.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS