Dalka Itoobiya waxaa in muddo ah ka soconaya kacdoon ballaaran oo ay wadaan qaar ka tirsan Qowmiyadaha ku nool dalkaas, kaas oo ay uga soo horjeedaan Nidaamka keligii taliska ah ee ay majaraha u heyso Qowmiyadda Tikreega.
Kacoonka hadda billowday waxaa uu xooggiisu ka soconaya dhulka ay dagan yihiin Qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada, iyadoona meelaha qaarkood ay ka soconayaan iska hor imaadyo iyo rabshado hubeysan oo dhex maraya dadka kacdoon wadayaasha ah iyo Ciidamada Meliteriga Itoobiya.
Haddaba, Mid ka mid ah Odayaasha Soomaaliyeed ee kasoo jeeda dhulka ay gumeysato Itoobiya, islamarkaana aqoon durugsan u leh deegaannada uu hadda kacdoonku ka soconayo ayaa waxa uu sharrxaad ka bixinayaa waxa uu ku qotomo Kacdoonka ay wadaan Shacabka ku nool dalka Itoobiya.