Sarkaal NISA ka tirsan oo shaaciyey siyaasiyiin Soomaali ah oo la shaqeeya war-doon ajnabi ah

pizap.com14749721209981.jpg

Max’ed Yabarow Siyaad oo (Dal-nuurshe) loo yaqaan, kana tirsan Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed [NISA] ayaa soo bandhigay liiska shaqsiyaad xilal sarsare ka haya Dowladda Soomaaliya, oo uu shegeey in ay la shaqeeyaan Hay’addo war-doon ah & dalal cadow ku ah Qaranimadda Soomaaliya, iyaga oo qeyb ka qaata qorshaha waddamadaas ay ku doonayaan in ay jiridda ugu siibaan Qaranimada Soomaaliya.

Dal-nuurshe, oo ku sugan waddanka K/Afrika, ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu tilmaamay in shaqsiyaadka war-doonka la shaqeeya ay ka mid yihiin Taliyaha ciidamada booliska Maxamed Sheekh, Taliyaha ciidanka Asluubta Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe) & Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow, isaga oo ugu baaqay warbaahinta Soomaalida in ay dabagal ku sameyso dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee shaqsiyaadkaasi, una soo bandhigaan ummadda Soomaaliyeed shirqoolada ay falkinayaan.

“Rajada ah, in ay Soomaaliya dib u curato waxeey u baahan tahay in marka hore shacabku meel kaga soo wada jeesto kuwa dhagar-qabayaasha ah ee cadowga u shaqeeya, oo wax yar oo sandareerto ah dhaafsanaya in ay gumeysi u gacan qabtaan dalkooda & dadkooda, kuwaasi taariikhda waa in baal mugdi ah lagaga qoraa, laguna qoraa diiwaanka taariikheed” Ayuu yiri Max’ed Yabaroow, wuxuuna intaasi raaciyey in xogaha shaqsiyaadkaasi ka hayo uu mid mid ula wadaagi doono ummadda Soomaaliyeed.

Dalnuurshe, mar uu ka hadlayey Xildhibaan Mustafa Dhuxulow oo uu ku soo daray liiska kuwa uu sheegay in ay la shaqeeyaan war-doonka, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Mustafa howshiisa rasmiga ah ay tahay war-doon, hasse ahaatee uu isku qariyo howlaha dowladda & tan samafalka, wuxuuna intaa raaciyey inuu ku xiran yahay sirdoonka Itoobiya & kuwa Ingiriiska.

“Mustafa Dhuxuloow waa jaajuus la shaqeeya Hay’adda war-doonka Ingiriiska M16 oo [Buy role] ah, xittaa qalab elektronik ah ayeey u dhiibaan marka ay fulinayaan howlgalada. Howlaha samafalka wuu ku gambadaa, wuxuu kaloo basaas u yahay Itoobiya si joogta ah ayuuna u tagaa Addisababa si uu warbixin u geeyo waxeeyna Itoobiya u ilaalisaa inuu xilkiisa sii haysto, wuxuu kaloo u shaqeeyaa nin ganacsade ah oo la yiraa Cabdi Cali Faarax isaga oo ka caawiya howsha suuqa madow, Mustaf Dhuxulow siyaasiyiintu waxeey u yaqaanaan [Play boy] , wuxuu aad ugu milan yahay howlaha dhalinyaranimada & tumashada” Ayuu yiri Dalnuurshe.

W/Q: C/qafaar Xuseen Cali

Johanesberg-K/Afrika

E-mail;gafaryare@hotmail.com

Xigasho: Dayniile.