Halganka Badda, Hibeynta Jigjiga

36882343

Wuxuu ku jeesjeesay Soomaalida dulmiga ka dagaalamaysay, sidoo kale go’aannadii dowladdii Siyaad Barre, taariikhda halgan ee la soo maray.

Wiil aabihiisa ku naafoobay ama ku curyaamey dagaalkii sanadkii 1977-kii dhex marey Soomaaliya iyo Itoobiya oo aad uga xumaaday falka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Jigjiga ayaa igu yiri:

“Aabahay markuu curyaamay, qoyskeena aad buu dhibtooday. Dowladdii Siyaad Barre, ayaa hooyaday oo caruur yar heysata, gunno ka heli jirtay. Burburka kadib, aabbe iska daa inuu wax qabto, la qixistiisa ayaa culeys ahayd, xannuunka uu la kulmo ayaa ka darnaa. Si walba annaga waxaan isku qancin jirnay inuu qaddiyadda uu u dagaalamay ay ka qiimo badneyd lugihiisa iyo qoyskiisa, dadkana way na qiimeyn jireen”

Hadal dheer ka dib, wuxuu iigu soo gaba gabeeyay:

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu igu yiri maanta, aabahaa waa doqon lugihiisa bilaash u waayay.”

Dhowrka nautical mile ee ay rag naga mid ah ay Kenya u saxiixeen, haddii Xasan Sheekh uu soo dhiciyo waa mahadsan yahay, ragga heshiiskaaa galayna qalad culus bay galeen.

Badda ay Kenya nagu heysato iyo Kilil 5 labadaba dastuuradeena ma aqoonsana, weliba dhulka ayaa taariikh halgan, baaxad iyo culeys aad u weyn leh!

Waxaa muuqata in aan tii Jigjiga ilownay, oo albaabka ololaha Xasan Sheekh sacab “badeey badeey” la taagan nahay.

Booqashada Jigjiga iyo daacdaacsiga Madaxweyne Xasan sheekh wuxuu ku bedeshay raali ahaanshaha Itoobiya, annaga maxaan ku bedelanay?

Musharixiin badan baan ku faraxallanay, Xasan Sheekhna danta uu ka lahaa sheekada badda, keliya ma aha soo dhicin hanti Soomaaliyeed, ee waxaa qeyb ka ah olole siyaasadeed! Ma laha waa meelaha loo maro kursiga 2016.
Wuxuu si isku mid ah arrinta badda ugu bahdilay murashixiin culus, sidoo kale wuxuu helay quluubta malaayiin Soomaali ah oo geyigooda jecel!

Fadlan Walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: Hassan Adam Hosow.

DAAWO:-Dameer Muxuu Cay Igu Yeeli Wayska Ciyayaaye. XASAN MA GUDBE “Ubo Injir Bay Leedahay”