Afhayeenka Xoghayaha guud ee Q.Midoobe ayaa magaalada New York uga dhawaaqay in mas’uul cusub ay u magacaabeen arrimaha Soomaaliya.
Bank Moon ayaa sarkaal horay uga tirsanaa ciidanka lugta Mareykanka u xilsaaray in uu la socdo habsami u socodka duullaanka lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Jeneral Hubert Price oo horay uga tirsanaa melleteriga Mareykanka balse ah howlgab la cirroobay hagar daameynta muslimiinta ayaa loo xil saaray Madaxa xafiiska ‘Taageerada iyo Taakulada Q.Midoobe ee Soomaaliya’.
Q.Midoobe waxay sheegtay in sarkaalkan American-ka ah uu kaalin weyn ka qaadan doono la dagaallanka musuq maasuqa iyo la socoshada howlgallada AMISOM ee ka dhanka ah xarakada Al Shabaab.
Hubert Price ayaa Q.Midoobe madax uga ahaa wadanka Liberia lagasoo bilaabo sanaddii 2010 illaa 2015.
Soomaaliya waa dal muslim ah oo dhaca Bariga qaaradda Afrika wuxuuna dalku wajahayaa duullaan ay ciidamo shisheeye kusoo qaadeen, kumanaan katirsan melleteriga Kenya iyo Itoobiya ayaa qabsaday gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Jeneraal Itoobiyaan ah ayaa madaxtooyada Villa Somalia ka maamulo maamul goboleedyada shisheeyaha la shaqeeya.
Liibaan Jeexoow Cabdi