SOOMAALIDA IYO SIDA LOO GAALAYSIIYO

 

Gaalaysiinta ummadda Soomaaliyeed ayaa socotay mudo dheer waxayna hada maraysaa heer aan la gabn ama la qarsan ama lala dhuuman
Waqooyiga Soomaaliya “Somaliland iyo Puntland”ayaa dhulka ugu halista badan kuwa dadka gaalasiiya.
Dhagayso dad mudo dheer la socday howlahaas oo waayo aragnimo u leh oo ka hadalya.

Ololaha gaalaysiintu wuxuu ku socdaa siyaabo kala duwan sida:

Tacliinta oo iskuullo caruurta loo furay ilaa “secondary”, halkaasoo manhajka lagaga lumiyo, siiba secondariga oo si talaabo talaabo ah loo marinhabaabiyo.
waxaa loo qaybiyaa gabdhaha iyo wiilasha secondariga (condom) faaxishada loogu sahlo looguna dhiiri geliyo, marka xigana waxaa loogu yaboohaa shaqooyin iyo jaamacado (waa ballamihii iyo hunguri gelintii sheydaanka). Waxaa laga dhisay xeryaha dhexdooda kaniisado badan, oo loo furtay iney goobo lagu ugaarto noqoto, heer la yiraahdo qofkii jaamacad dibadaha ah raba hasoo galo kaniisadda.

Gabadhu haddeey uur qaado, si gaar ah ayaa loo tix geliyaa. Waxaa durba loo diyaariyaa dhoofin dibadda, guri iyo lacag iyo raashin gaara, oo markey sinada ku uuraysato ayaa mujtamaca laga sara mariyaa oo lala boodaa si sinada loo xoojiyo

  1. Waxaa la maal geliyaa goobo shaneebooyin lagu magacaabo, oo xitaa liwaatka dadka loogu daaro, lana dhiiri geliyaa dadka, filimadana loo keenaa si mujtamaca gaar ahaan dhalinta loo fasahaadiyo.
  2. Waxaa hadba lasoo dhejiyaa qabiil hebel in la qaadayo, mar shariif, marna baantuu, marna midgaan, iwm, hadba wixii lasoo dhejiyo ayaa dadkoo dhan noqdaan oo kaararkeeda samaystaan.
  3. Ardada iskuulka waxaa loo dejiyaa baraamijyo looga gol leeyahay in lagaga mashquuliyo madarasada carabiga iyo diinta ay ka bartaan, ama dugsiga, oo galab iyo subax ayaa la mashquuliyaa, isla mar ahaantaas waxaa nidaamkooda ka mida in maalinta Jimcaha uu iskuulku socdo si Jimcaha meesha looga bixiyo, oo Sabti ama Axad loo fasaxo.
  4. Waxaa hay’adaha gaaladu aad u xoojiyaan Suufiyada, oo lagu maal geliyo makarafoono iyo waabyo yar yar, oo loogu tala galay in lagu tashwiishiyo dacwada xaqqa ah.
    Marka kuwaasi wexey samaystaan waab yar, oo makarafoon weyni kor ka suranyahay codka xerada inteeda badan u laliya, meel in yar u jirta masaajidda Ahlu-sunnaha, halkaasna waxaa la fadhiisiyaa nin marduuf Qaad ah loo gado oo la dhaho cajaladaha hadba mid saar. waxaana looga jeedaa dicaayad iyo tashwiish iyagoo og inaan cidina raacayn.
  5. Wexey dhiiri geliyaan kooxo kubbada cagta, iyo fagaarayaal salaadda lagaga tago.
    arrimahaas iyo kuwa kale oon hadda lasoo koobi karin ayey hey’adaha gaaladu u maraan ujeedadooda fasaadinta iyo gaalaysiinta.

Waxaan mulaaxadeeyey iney xeryaha qaxootiga u badan yihiin dad da’ yar. Dadkaas oo aad muxaadaraadka usoo buuxiya rag iyo dumarba. Marka muxaadarada la qabto oo kumanyaal yimaadaan, waxaad is oraneysaa oday iyo habari ku yaraa! waa arrin dhinac ka fiican iney iqbaal dadkii yar yaraa dacwada u hayaan, haddana waa arrin khatar ah iney baylah yihiin in badani. Hay’adaha gaalada sida WFP, CARE, UNCHR, LIVE MINISTRY, OXFAM, SAVE THE CHILDREN iwm, wexey qaybiyaan qamadi caloosha dadka ka qabta, raashin wanaagsanna ma keenaan. Waxay dadka ku gumaystaan jawaanada qamadiga laga shubo kaasoo waababka iyo cariishyada la dulsaaro.

Cisbataallo cariishya ah oo ku yaalla waxaa naloo sheegay in ka badan boqollaal caruur ah iney yaalaan; sababta oo ah nafaqa darrada dadkaasi haysata.