Dalka Soomaaliya waxaa ku soo duulay shisheeye cadaan iyo madowba leh asigoo doonaya in maalin qariiradda caalamka laga waayo wax soomaaliya la yiraahdo Allaah rayadiisa uma rumeeya’e.
Aqoonyahan injineer Idiris Xasan Faarax oo ay xalay wareysatay idaacadda islaamiga ah ee alfurqaan ayaa ka sheekeeyay qorshaha gurracan ee shisheeyuhu soomaalida la damacsan yahay.
Wuxuu tilmaamay in waagii hore uu ku adeega jiray dagaal oogayaasha ama hogaamiye kooxeedyadii laakiin mar dambe la bedelay magacii hore oo waxa dowlad loogu yeeray meesha laga dhisay si ay u oofiso ahdaafta qotada dheer ee lagu dhibaateynayo Soomaalida.
Wuxuu tilmaamay in la xoojinayo howsha la xariirta qeybi oo xukun dhanka kalena kuwa maamulada madaxda ka ahu maqaar saar yihiin oo lagu dan gaarayo.
Mar uu ka hadlayay arinta doorashada dowladda federaalka ah ee hadba dib u dhaceysa ayuu tilmamay in ay suura gal tahay in shisheeyuhu ku lug leeyahay.