Hadii Siyaasiyiin Soomaali Ah Baddii Ay Iibsadeen Xasan Sheekhow Dhulka Soomaaliyeed Ee Dhagax Buur Iyo Jig-Jiga Aawey?

imageedit_1_4427049767

Waxaa la yiri hada ka hor baa laba Wiil oo walaalo ah ayaa webi ku dhaceen,ka dibna odey adeerkood ah baa ka daba boodey oo Eebe ka sakow ka bad baadiyey webigii iyo yaxaas cuni lahaa.

Mid ka mid ah wiilashii baa kii kale ku yiri War maxaa naloo lahaa adeerkeen waa xaasid waad aragtaa sida uu Rabi ka sakow yaxaaska nooga bad baadiyeye,kii kale baa u jawaabey oo yiri adeerkeen yaxaas na cuni lahaa nagama soo bad baadine aduunka waxuu ugu neceb yahay waxaan isaga aheyn in ay wax cunaan.

Hadaba sheekadan waxaan u soo qaatey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Badda ay muranka geliyeen siyaasiyiin Soomaali ah oo lagu eedeeyey in ay gateen ma bad baadinayee ee waxaan isaga aheyn in ay wax cunaan ayuu neceb yahay oo aanu jecleyn,waayo waa ninkii qadiyada dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya xooga ay ku heysato ku bedeshey raali gelinta Itoobiya,waana shaqsigii ugu horeeyey ee Madaxweyne Qaran Soomaaliyeed ah oo taga dhulka soomaaliyeed ee xabashida xooga ku heysato ka dibna ka khudbeeyay oo sheegay in dadka soomaaliyeed ee degaankaas leh ay yahiin Itoobiyaan.

Waxaa hadaba is weeydiin leh aawey qadiyadii Soomaalinimo? aawey wiilashii Soomaaliyeed ee dhulka naga maqnaa iyagoo u dagaalamaya ku geeriyoodey qaarna ay u dhaawacmeen sanadihii 1964-kii 1977-kii ilaa maalinka maanta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasiyiinta Soomaalida ee lagu tuhmey in Badda ay iibsadeen ama gateen waxba ma dhaamo oo waa kan isagana dhulkii Soomaaliyeed Xabashida siiyey iyadoo ujeedka iyo sababta waqtigan uu ugu soo beegey arimaha Badda ay tahay siyaasad iyo inuu isaga reebo ragii lagu eedeeyey in ay Badda gateen oo iyaguna u tartamaya madaxtinimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii raga lagu eedeeyey Badda in ay iibsadeen iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo isaguna dhulkii Soomaaliyeed Itoobiya siiyey dhamaantood waa in cadaalada la horkeeno waxaana jiri doonta hadii eebe idmo in mar la xisaabtami doono.

Qalinkii: Deeq Cali Hayaan.

pizap.com14759160121751.jpg

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS