
Shacabka Somalida Ogadenya ayaa halgan dheer oo khasaare balaadhan gaystay kula jira Gumaysiga Itoobiya. Waxaa wadanka Ogadenya (Soomaali Galbeed) ka dhacay dagaalo iyo colaad gaamurtay oo xanuun iyo ciil badan ku beertay shacabka Somalida Ogadenya (Somali Galbeed).
Cadawtinimada u dhaxaysa Gumaysiga Itoobiya iyo shacabka oo wakhti dheer qaadatay ayaa gaadhay meel aan kasoo noqod lahayn. Shacabka Somalida Ogadenya ayaa xaqiiqsaday kuna baraarugsan nacaybka uu Gumaysigu u qaba jinsiga Soomaaliyeed meeshuu doonaba ha joogee.
Hadaba waxaan jeclaystay inaan qisadan layaabka leh idin laqaybsado. Qisadan oo muujinaysa mawqifka uu Gumaysiga Itoobiya ka aaminsan yahay mujtamaca Somaliyeed iyo bahdilka joogtada ah ee shacabka ay ku hayaan Ciidanka Woyaanaha ee xasuuqa iyo gumaadka joogtada ah ka wada wadanka Ogadenya, qisadiina waa tan:-
” Laba nin oo Somali ah ayaa gaystay wax uu ciidanka Gumaysiga Itoobiya ku sheegay “Dambi” wayna iska carareen falkaas kadib. Ciidanka ayaa qabtay laba nin oo kale oo Somali ah oon ahayn kuwii dambiga gaystay, waxayna u gaysteen ciqaab & jidh-dil badan. Odayaashii degmada uu falkan ka dhacay deganaa ayaa u sheegay ninkii xukumay ciidanka Woyaanaha ”labadan nin ee kuu xidhay ma aha kuwii dambiga sameeyay eed doonaysay ama raadinaysay waa niman kale oo Soomaaliyeed”.
Woyaanihii xukumay ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee deegaankaas ku sugnaa ayaa maalintii dambe isugu yeedhay dadkii degmada deganaa wuxuuna ku yidhi “Maxaad samayn lahaydeen hadday laba doofaar soo galaan Beertaada ooy cunaan ama kharibaan. markaad caydhisay labadii doofaar waxay kaa dhex galeen doofaarro kale ooy ku dhex milmeen, waadna kala garan wayday kuwii beerta kaa cunay iyo kuwii kale. maxaad samayn lahaydeen? miyaad iska soo noqon lahaydeen mise waad wada caydhin lahaydeen doofaaradda oo idil?” dadweynihii degmada ee shirka kasoo qaybgalay ayaa ugu jawaabay waan caydhin lahayn kuligood.
Masuulkii Woyaanaha wuxuu ku yidhi shacabkii uu soo shiriyay ” Doofaaradda ayaad lamid tihiin, la idin ma kala garanayo, hadduu shakhsi idin kamid ah dambi galo kuwiina kale ayaan ka jaraynaa ama u ciqaabaynaa, anaga waad noo siman tihiin, Somali waa noo Somali” waa hadal cad waana inay Somalidu fahantaa inaysan kala jeclayn Gumaysiga Itoobiya.
Nasiib darro waxaa jira da wax-magarato ah oo u nasab sheegta Somalida Ogadenya oo aaminsan inaysan noolaan karin Gumaysiga Itoobiya oo maanta maraya meeshii abid ugu xumayd ee uu gaadho Gumaysigu. Waxaad arkaysaa iyagoo ku hadaaqaya sidii ilmo caruur ah Tigrey wax noo dhaama heli mayno haday meesha ka baxaan waa naloo yaabaa.
Hadaba waxaa iswaydiin mudan Tigrey soow kan kala gaabiyay shacabka Somalida Ogadenya ma’aha? Jawaabta su’aashan waxaan uga tagayaa akhristaha sharafta badan.
W/Q: Hure Jeefad -(jeefad1983@gmail.com)
Qoraa Madax Banaan.