Abwaan Nageeye “Waxba Daasad Haytumina Waan Diidey Reernimo e.”
1. Cabdiyoow danqaarada wakhtigu ways dakinayaaye,
2. Hammi durugsan dood gaaban iyo ficil dadaalaaya,
3. Dad is jecel dulqaad iyo midnimo dawladnimo taam ah,
4. Hadii aad maruun door bidaan waynu degi layne,
5. Guulaha dariiq loo mariyo daw cad baa jira’e,
6. Iska daba wareegbaynu nahay daayin abidkeene,
7. Anigana duruuftiyo xiligu ii daliil noqoye,
8. Diihaalka muuqiyo Cabdoow diiftan igu taala,
9. Dunji igu fogaadaa jiroon cidi dareemayne,
10. Waagii dilaacaba tashigu iga dun roonaaye,
11. Dumar hawlahoodiyo xarago waan ka didayaaye,
12. In aan duunyo iyo maal dhaqdana siima doorbida’e,
13. Damqashada waxaa iigu wacan doqoni waa mooge,
14. Dalkeenaa la qaybsaday dhulkaa cadawgu daaqaayo,
15. Dadkeenaa la kala ooday ee dayrka lagu meershay,
16. Reerahan intay duub tosheen dawladnimo sheegtay,
17. Hadba nabaro doog igu kacshaan meel la duubnahaye,
18. Waxaan ahay nin daalaadhacoo ceel ku soo dumaye,
19. Soomaalida waxaa dooriyaan kuu dulmarayaaye,
20. Taariikhda duuga ah haddaan dib uga faaloodo,
21. Cudud iyo dagaal laguma hanan dagaladeediiye,
22. Markii ay dariiqii Alliyo Diintii ka carawday,
23. Markii ay siyaasiga dardaran heelo daba qaaday,
24. Markii ay wixii lagu dayaba diiday odhan wayday,
25. Dilaal iyo malaalnimo markii Dollar lagu baaday,
26. Markii uu gumaysigu dagay gaalka derejaysay,
27. Markii uu damiirkiyo caqligu digigixoon waayay,
28. Markii uu hankeedii dabcay dib isu soo eegtay,
29. Dekanooyinkii loo dhigay degashanaysaaye,
30. Haddaan duurxulkaygiyo murtida ereyga kuu dooxo,
31. Dulaysiga shisheeyahaba waw dabacsanaataane,
32. Gaaladu waxay damacsantahay abid ma diidaane,
33. Haddii se doodu hebel taagantiyo daris walaalkaa ah,
34. Markaasaynu dhiig daadinaa oo is dubanaaye,
35. Gumaystuhu sidii kuu dekanay doqoni waa mooge,
36. Duhurkiyo habeenkaba warmuu kuu diyaarsadaye,
37. Dibin daabyadaaduu wax badan kuba dadaalaaye,
38. Dugsi nabad ah in aad seexatana wuu ka didayaaye,
39. Hammi durugsan buu leeyihiyo duruqyo dhaadheere,
40. Dalkeenaba in uu qaatabuu duubka ku hayaaye,
41. Dayacnaantan Soomaali helay diiftan nagu raagtay,
42. Waxaa igaga sii daran haddaan idin dareensiiyo,
43. Inagaan wixii nalagu dagay daaya garanayne,
44. Inta aynu dood been ah iyo hebel difaacayno,
45. Daciifnimo liidnimo intaan derejo moodayno,
46. Dekanaha dhexdeena ah intaan hanad u dooxayno,
47. Deelqaaf xigaalnimo intaan dil isu quudhayno,
48. Siyaasiga dayuuska ah intaan daba guclaynayno,
49. Dadnimo iyo guul aad heshaan iima daalacine,
50. Dabac caanaheedii ragbaa duub ka buuxsadaye,
51. Waa kaa dalkeenii wacnaa lagu danaystaaye,
52. Damiir yeelo Soomaaliyeey waa dayacanteene,
53. Afartaasi waa dooda hore shayna ii dihine,
54. Doqonbaan wuxuu damacsanyahay diirka ka cadayne,
55. Degmadii Jabuutiyo Cartiyo guri Dumayroo dhan,
56. Diridhaba Awaariyo ilaa Sagag duleedkeeda,
57. Durdurkii Qalaafiyo ilaa Doolo iyo Faafan,
58. Sayidkii halkii uu dagiyo Iimay darafkeeda,
59. Dannood iyo Wardheeriyo ilaa Gaarisiyo dawga,
60. Dhagaxbuur dusheediyo ilaa wabiga daaciisa,
61. Darrooriyo halkii aan ku koray Sugumo duudkooda,
62. Qabri-dahare doonyaha Af-dheer dawga Labi-hawle,
63. Degalkii Negayliyo Guracan damalka Laasaale,
64. Diinsoor ilaa dawga Sheekh Alamsay daaceeda,
65. Duleedada Hargeysiyo Burciyo dooxyadii Adari,
66. Dekadii Kismaayiyo Jubboo hirar dawaamaaya,
67. Xamar doonyaheediyo Nugaal labada daaroodba,
68. Gaalkacayo labadeeda daraf ee la kala dayray,
69. Soomaalidu geyiga ay degtiyo dagaladeedoo dhan,
70. Midnimaan la doondoonayaa door ay gaadhaba’e,
71. Waxba gabaygu yuu ila durkine waxaan ku soo dayray,
72. Suugaantu waa deeq Alliyo diiqo gooni ahe,
73. Waligeed ragbaa dilahayoo lagu danaystaaye,
74. Nimanbaa halkii doog leh iyo saac ku daydaya’e,
75. Dufan iyo ragbaa shilimo iyo duunyo dhaafsada’e,
76. Hayeeshee haddaan dood rasmi ah diirka ka cadeeyo,
77. Waa iga digniin iyo wax sheeg duurxul iyo faane,
78. Dirham iyo haddii Dollar iyo dahab la soo xaadho,
79. Dilaalnimo haddii laygu dayo amase doolaalo,
80. Dunidaba dhammaanteed haddii derejo lay siiyo,
81. Halabuur dadkiisa u hadloo daacadaan ahaye,
82. Damacaygu waa dhaafsanyahay duunyo iyo maale,
83. Danta guud nin lagu aaminoo door ah baan ahaye,
84. Iska doodi maayee runtaan kuu dul marayaaye,
85. Qarankeenii dumaybaan u ahay raacdo loo diraye,
86. Waxba daasad hay tumina waan diiday reernimo’e !
Qore: Abwaan Nageeye Cali Khaliif
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS