MAQAAL:Qowmiyada Ugu Firfircoon Ee Ka Faa`iidaysan,doonta Burburka Itoobiya Yay Noqon Karaan?

Image result for qowmiyadaha itoobiya amin amir

Hordhac: Aan ku bilaabo Duco anigoo leh Balaayooy baydh Barwaaqoyna kaalay, intaa kadib waxay dad Taarriikdu ku celceliyaan in Dalka Ogadenya iyo dadkiisu mudo dheer ay ku hoos jireen Guumaystayaal kawada siman dhaqan xumada isla markaana ayna bulshadaasi marna ka raali noqonin sida wax u dhaceen, balse ayba ku jireen isdifaacid joogta ah. Waxaa dhab ah inayna cidna ka leexan karin dariiqii xaga Rabi looga qadaray in kasta oy soomaalidu ku maahmaahdo, Col iyo Abaarba Cagahaa lagaga baxaa, taasna waxaa lagu fasiri karaa, waxaa kuu furan inaad dadaal samayso si aad uga baxdo marxalada qalafsan ee ku haysata iyada qudheedaana qadarka hoos timaada.

Hadaan intaa kaga gudbo daah furka qoraalka una soo laabto Taariikhaha dhow ee uu soo maray halganka ka shidan dalka Ogadenya ee u dhaxeeya umad Xaq u dirir ah oo uu hogaanka u hayo ururka caalamiga ah ee ONLF iyo Maleshiyaad ay horboodayso Kooxda Madaxyada ka dawaarsan ee Tigreega ah. Aan usii gudbo hadafka iyo ujeedka laf dhabarta u ah garnaqsigan. Taliska TPLF waxay kusoo galeen dalka ogadenya qaab gardarro ah oon geed loogu soo gabanin, kadibna waxay bilaabeen siyaasad been been ah iyo wax waraaqo ku qoran oon habayaraatee waxba ka jirin. Waxaa durba fahmay inay Tigreegu tuugo yihiin siyaasiyiintii ONLF ee waqtigaas joogay iyagoo ka horyimid wixii taliska macangaga ahi dhoodhoobayay. Markii Tigree Qalbi dhagax lagu fahmay khiyaamadii wuxuu bilaabay Xabad oo ahayd aqoonta kaliya ee uu lahaa. Ma jirin cid madaxa hoos ugu dhigtay, balse waa la iska difaacay weerarkiisii qaawanaa. Waxaa ka dambaysay gacan haadin farabadan oy kooxda tigreegu ku baaqayeen iyagoo leh ” waxaan doonaynaa inaan wiilasha Hayjada ku jira wadahadal la galo, waxayna soo dirayeen Odayaal iyo Siyaasiyiin intaba. Waxaa jirtay in jabhada ONLF ay si taxadar leh u aqbashay codsigaas, sida 1998 taasoo ahayd dhagar ay maleegayeen Askarta tigreegu. Waxaa arinkaa cadyn u ahaa dilkii Wafdigii jabhada ee uu hogaaminayay Deeq Cabdi, ilaahay ha u naxariistee.

Markaan taarikhahaas kasoo gudbo waxaa go’aan heer caalami ah qaatay madaxdii ONLF iyagoo qalin cas ku duugay inaan Tigree xume lala galin waxaan ka ahayn wada hadal caalami ah, Goob makhraati leh iyo waliba Goob amaan ah. Muddo dheer kadib waxay ogolaadeen Tigree duufle inay aqbalaan go’aamadaas!. Waxaa la isla qaatay in lagu kulmo wadanka Kenya, waxaana halkaa ka dhacay kulamo isdaba socday, hase yeeshee wafdigii Tigreega ayaa noqday jaahiliin aan aqoonin sida miiska aduunka loogu wada hadlo, waxayna la yimaadeen sheekadii ahayd JUG,JUG meeshaada joog. Waxay Dawladihii iyo Hay’adihii Caalamku halkaa ku garwaaqsadeen in TPLF ayna dawlad ahayn ee ay jabhad yihiin, sidoo kale waxay ogaadeen in ONLF dawlad yahay ee ayna jabhad ahayn.

Wali faaladii Maan,deeq ayaynu ku jiraaye Ururwaynaha ONLF ayaa u giigsaday hagardaamadii guumaysiga taasina waxay qowmiyadiihii kale u furtay Albaabo waawayn iyo inay ku dhiiradaan iska dulqaadka reeryada Woyaanaha. Kadib markay Qowmiyad waliba dhadhamisay Dacartii ay soomaalida Ogadenya 20 sano ka nuugeysay Taliska Adis Ababa, waxaa muuqata inay mid waliba gaarkeeda wacad ugu martay inayana dib uga laabanaynin go’aankeeda. Waxaa kale oo muuqta in Woyaane qashiinle uu ku habsaday argagax, waxaana cadayn u ah qaxa iyo hayaanka ay kaga baxayaan Gobolada kale iyagoo afka saaraya Maqale iyo meelo baas, ileen waaka layidhaa “Dhagar qabe dhulkaa u dhaqadhaqaaqa, Sidoo kale waxaa ku fulay Hadalkii ilaahay ee ahaa- فَأَتَاهُمُ اللَّهُ مِنْ حَيْثُ لَمْ يَحْتَسِبُوا وَقَذَفَ فِي قُلُوبِهِمُ الرُّعْبَ ilaahaybaa kaga yimid gees ayna iska filaynin wuxuuna ku tuuray Quluubtoodii argagax. Ulihii ay dadku wateen waxaa looga dhigay Gantaalo!. Wacyiga oo aad isu badalay darteed waxay Qowmiyad waliba gacanqabad Siyaasadeed maanta ka raadinaysaa Tiirka adag ee ONLF.

Maqaalkan oo su’aal ku bilawday waa mid tartansiinaya Umadaha kala duwan ee sida qasabka ah ugu hoos jira Guumaystaha madaw ee Woyaanaha. Markaan dhinacyo badan ka eegay, sida bisaylka, khibrada, waqtiga dheer, hal adayga , ciidanka, abaabulka iyo hogaaminta siyaasadeed ee ku salaysan aayo katashiga, qowmiyada ugu firficoon ee burburka Itoobiya ka faa’iidaysan doonta waa bulshada ree Ogadenya ee Geeska Afrika kaga soo caan baxday xoriyad jacaylka iyo guumaysi diidnimada.

Akhyaareey, intaasi waa aragtidayda iyo idan Allaah, waxaana ku sagootinayaa Faaladan hal ku dhigii
Halganka ee ka qiimaha badnaa Dahabka iyo Doolarka- Mintid, Midnimo, Isku Tashi iyo Allahu Akbar!

Akhris iyo fahan wanaagsan Suugaanta hoos ku daabacan-
*ADIGOO HARAAD QABAYO WAXBADAN HAARUF KUGU TAALO-
*GEEDIGA HAYAAN DHEER WAXAAD HORU GUCLAYSAABA-
*HABEENKII KOLAY TAHAY WAXAAD HIRARKA JIIDHAABA-
*CIRKOO HOORAY GEEDAHOO HADHACA HARADA OO BUUXDA-
*HOOBAAN HASHAADII WAXAY HAWDKA MIRATAABA-
*HALEELADU DHAMAANTEED WAXAY MAGAW LA HOORTAABA-
*WIILKII HALYAYGA U AHAA GOROF KU HAANEEDYE.

*HADAL BADAN MAFIICNEE BALAAN HOOS USII DAGO’E
*HAREERAHA DADKII JOOGAYOO WADA HALIILAAYA-
*HAMUUMYADA NAFTIISUNA KU TIDHI AAN HANFIGA REEBO-
*HAWEENKIYO DHALAANKIIBA WAY KA HAQA BEELEENE
*HANTIDII DHAB LOO LEEYAHAA HORUMAR KEENTAAYE
*HANAANKIYO TUSAALAHA HADAAN HAATAN IDIN SIIYO
*HADAFKIYO UJEEDADA HADAAN HORAY USII RAACO-
*HADH QABOW IYO DUGSOON HAMIGU WEEYAANE-
*HEERYADA GUMAYSIGA RIDOO WADA HALAAKEEYA!

Xaaji M/rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan