Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in uu taliska wayaanuhu siwayn isugu maan dhaafsan yahay aragtida ah sidii wadanka ay kusii maamuli lahaayeen.
Sida xogtu ay sheegayso qaar kamid ah taliska guud ee wayaanaha ayaa qaatay soo jeedintii aduunka ee ahayd in ay umada kahor leexdaan waxayna doonayaan in ay sameeyaan wax yar oo indha saraxaad ah oo isbadal dhinaca awooda sare ah.
Qaybta kale ee taliska wayaanaha ayaa arintaas gaashaanka ku dhufatay waxayna sheegayaan in aan xiligan loo baahnayn wax isbadal ah oo lagu sameeyo hay’adaha dowlada hase yeeshee loobaahan yahay in gacan bir ah lagu qabto kacdoon wadayaasha qaska iyo qalalaasaha galiyay wadanka.
Garabka soo jeediyay in isbadal lasameeyo ayaa doonaya in ay iscasilaan wakiilada gumaysiga ujooga waxa loogu yeedho kilalada iyo in hogaanka guud isbadal lagusameeyo, qaar kamid ah wakiilada kilalada ayaa ku andacooday in ladoonayo in laga hoos guuro arintaana ay khalad tahay qaskana ay siibadinayso.
Dhinaca kale kooxda TPLF ayaa liqday isbahaysigii gacan ku samayska ahaa ee loogu yeedhi jiray EPRDF waxa kaliya ee talo soo jeedin kara ama go’aan qaadan karana waxay noqotay kooxda TPLF oo iyadu ku amar kutaag laysa talada wadanka.
ONA.