Hay’ado qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo diblumaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in hubkii Dowladda Federaalka ay dibadda kasoo dhoofsatay si suuq madoow ah loogu iibiyay gudaha magaalada Muqdisho.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa daabacday warbixin ay ku sheegtay xasaasi oo banaanka soo dhigaysa musuq maasuqa dhanka hubka ah ee ka dhax jira hoggaanka DF-ka.
Diblumaasiyiin reer galbeedka ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in hubkii Q.Midoobe u fasaxday dowladda Federaalka si qarsoodi ah loogu iibiyo magaalada Muqdisho.
Warbixintu waxay sheegaysaa in sanaddii 2013-kii saanado hub ah oo DF-ka ay dibadda ka heshay 35% illaa 40% si suuq madoow ah loogu iibsaday xaafadaha magaalada Muqdisho.
Reuters waxay sheegtay in wax ka badan 15,000 oo qori oo aan laheyn sumad lagu garto lagu iibiyay suuqyada degmooyinka gobolka Banaadir.
Nin lagu magacaabo Aweys Xaaji Yuusuf oo Villa Somalia u qaabilsan arrimaha siyaasadda ayaa Reuters u xaqiijiyay in uu jiro hub si qarsoodi ah loogu leexiyay suuqyada Muqdisho balse uusan aheyn mid sidaas u ballaaran sida uu sarkaalku hadalka u dhigay.
Hay’ado si gaar ah u qaabilsan dabagalka cunaqabateynta Hubka ayaa sheegay in musuq maasuuqa dhanka hubka ah ee ay ku dhaqaaqday dowlada Federaalka uu halis ku yahay waxa loogu yeero golaha ammaanka.
Qaraar horay ugasoo baxay Q.Midoobe ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u ogolaanayay in hub xadidadan ay dibadda kasoo iibsan karto si ay ugu kaashato dagaalka ka dhanka ah xarakada Shabaabul Mujaahidiin balse waxaa muuqata in hubkii ay kooxda Villa Somalia soo iibsatay lagasii iibiyay suuqyada Muqdisho.