Gumeystihii Talyaaniga ahaa maalintii uu Xooga ku qabsaday Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Koonfurta, waxa uu bilaabay Siyaasadihiisii Faashiistiga ahaa ee Burburinayay Dhismayaashi Bulsho, Dhaqaale, Hidde, Dhaqan, Caado ee Mujtimicii Soomaaliyeed, si uu u dhiigmirto MUjtamaca una dheereysto Cimriga Joogitaankiisii.
Talyaanigu waxa uu Siyaasadeeyay Dhismihii Bulsho ee Mujtamaca? waxana uu abuuray Salaadiin Iqdaaci ah (feudal Sultanates) is-diidan, is-dila, is-dhaca waxa uu Mujtamacii ku beeray Cudur ah “Hantida Guud ee Dowlada waa Sidii Geel-Qaadkii oo kale oo waa in la dhacaa??!! “ Fahankaas Dowladnimo waa midka ilaa iyo hadda sidii Naclada u daba taagan Soomaalida; ahna daloolka cid walba oo rabta inay Dhacdo, Boobto ay soo dhex degto.
Mowduucayga hadaan usoo noqdo, Talyaanigu Soomaaliya inteeda kale waxa muuqata uguma uusan tegin Urug iyo Mahadho ka weyn mida uu uga tagay Magaalada Gaalkacyo!? waxa abuuray Mujhtamac u nool is-dhibaateynta, oo ay u noqotay (fan) sidii ay isu lugoon lahaayeen, ku seexda kuna soo toosa..wax kalana aan ku fikirin…..? ilaa ay arintu gaarto in “Reer Jalaf ay isu tooriyeeyaan si ay u Talyaaniga ugu Diraan Reer Qalaf??!”… sidoo kalana ay “Reer Qalaf ugu taagnaadaan sidii ay u Ibdaaci lahaayeen ama u hindisi lahaayeen (invention) qaab kasta oo ay Talyaaniga ugu diri lahaayeen Reer Jalaf una kasban lahaayeen Talyaaniga Dhankooda?!” ilaa uu Sarkaalkii Talyaaniga ahaa uu ka daalo oo uu layaabo Mujtamacii ay Rabeen inay kala furfuraan oo u abuuuraan inay iskala furfuraan??!! markuu ku daalay mudo 74-sano ayuu yiri “Qalaf and Jalaf duo Ispoorko Zenbari Attizione” . maanta waxay maree “Mahad Hilowle” (dabcan Qalaf iyo Jalaf maanta waxa degaan u noqtay meelo ka fog fog Gaalkacyo Sababtoo ah Hirdinkoodii Qaabka darnaa ee Taariikhiga ahaa?!) wuxuu ka waday dacwad leey ku jraan iyo is hagardaameyn……??!!
Hadda Sheekada Maraykanka iyo Dagaalkiisaan waxa uu ugu yeero La Dagaalanka waxa uu hadana ugu yeero “Argagaxisada”..waxay dhex gashay Hirdinkii Qalaf iyo Jalaf………….Sidaa darteed waxaan waxaan leenahay kala qaybintaada (dual track) -gaaga maanta waxay maraysaa meeshii ugu sareysay waxaan shaki ku jirin inaan mardhow soo dhihi doonto, oo aad iska tagi doonto. laakiin talow muxuu dhihi doonaa….??!!
Qore:-Sadat Geesh.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS