Maamulaha Idaacadda Damuljadiid Goobjoog FM ee magaalada Muqdisho Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa lagu daray waxa loogu yeero aqalka sare ee Soomaaliya.
Bukhaari ayaa horey u ahaan jiray dadka ka shaqeeya Villa Somalia oo afartii sano ugu danbeysey ahayd xarunta ama saldhiga Damuljadiid,wuxuuna kasii hor kasoo shaqeeyay idaacado af carabi ku baxa sida BBC-da qeybteeda afka Carabiga.
Bukhaari waa wiil ay aad ugu kalsoon yihiin Damuljadiid, gaar ahaan waa aad u jecel kabtanka kooxda Faarax Cabdulqaadir, waana wiil aad u yaqaan afka carabiga oo lagu qaraabto.
Bukhaari waxaa laga horgeeyay Kamal Gutaale oo horey uga tirsanaa shaqaalaha Villa Somalia,laakin mucaarid noqday sanooyinkan danbe markii banaanka looga bixiyay Villada,markii horena ka yimid banaanka Xisbiga ee qaraabo ayaa keentay,Kamal iyo Bukhaari waa isku beel ,waxaana kursigii fuulay Bukhaari oo ah gacan yaraha Guuleed.
Damuljadiid ayaa isku qaadaya meel walba oo ay ka heli karaan kursi xildhibaan si ay ugu noqdaan afar sano oo kale kursiga saaran kaaraha Amisom,waxayna ku bixinayaan lacagihii ay boobeen afartii sano ee hore.
Goobjoog waa idaacad ay leeyihiin damuljadiid oo ka howlgasha Muqdisho,mana la jecel dhageysigeeda,maxaa yeelay dadku waxay naceen Dammuljadiid qawaadkooda oo dhan.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS