Shariif Sakiin oo Shirqool Siyaasadeed u Dhigay Xasan Gurguurte Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka.

Image result for shariif xasan iyo xabashida

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii uu ugu guuleysan lahaa xilka madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Kulan dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo dhaxmaray Shariif Sakiin iyo Xasan Gurguurte ayaa guul darro kusoo idlaaday.

Xasan Sheekh ayaa Baydhabo u tagay sidii Shariif Xasan uu uga dhaadhicin lahaa in uusan isku taagin musharaxa xilka madaxtinimada DF-ka si Xasan Gurguurte uusan ugu cariirin doonista jagadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shariif Sakiin uu ku guuleystay siyaasad maja xaabinaysa hanka Damul Jadiid ay ka leeyihiin in mar labaad ay majaraha uqabtaan dowladda Federaalka taasi bedelkeedna wuxuu xubnaha aqalka sare ka reebay Jawaari oo hadda ku magacaaban guddoomiyaha baarlamaanka.

Tani waxay ka dhigantahay in uusan jiri doonin siyaasi kasoo jeeday Bay iyo Bakool oo u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Shariif Sakiin oo galaangal ku dhax leh siyaasadda maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya kajira ayaa laga yabaa in beesha caalamka iyo gumeystayaasha Soomaaliya uu ku qanciyo in isaga madaxweyne laga dhigo.

Warar lagasoo xigtay siyaasiyiin ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dhammaan xubnaha aqalka sare  ee uu soo xulay Shariif Sakiin lasiiyay dhaqaale aad ufarabadan ayna si toos ah ugu shaqeynayaan amarkiisa.

Jeneraal Gabre taliyaha sirdoonka Itoobiya ee Soomaaliya iyo Shariif Xasan ayaa xiriir wanaagsan leh, ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan degmooyin katirsan gobollada Bay iyo Bakool ayaa la sheegaa in mushaarkooda uu bixiyo Shariif Sakiin oo ah dabadhilif dalka iibsaday.

Sanaddii 2012 ayaa Shariif Xasan looga adkaaday shaxdii siyaasadda ee xilligaas kadib markii isagoo u taagan xilka madaxtinimada Dowladda Federaalka si lama filaan ah uu Shariif Sheekh Axmed usoo saaray Max’med Cismaan Jawaari oo ku fadhiistay kursiga guddoomiyaha Baarlamaanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi