Mudane Xasan Sheekh oo ah Gudomiyaha xisbiga PADD oo kamida xisbiyada mucaaradka ah ee dalka Jabuuti ayaa waraysi dhinacya badan Taabanaya oo uu saxaafada siiyay, waxaa uu kusheegay in Ina Geele yahay Jaajuus Itobiya muda dheer u shaqanayay ilaa iyo hadana u shaqeeyo.
Ina Cumar Geele ayaa ah nin dhibaato ku haya Soomaalida oo dhan, wuxuu ku dhashay Itoobiya,wuxuuna isku haysta inow 60% yahay Xabashi.
Ina Cumar ayaa ciidan soo siisay Itoobiya si ay u qabsadaan gayiga Soomaaliyeed,wuxuuna soo dhoobay dhulka wabiyada leh Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.
Wuxuuna qeyb ka yahay qaybinta Soomaaliyeed,wuxuuna faragalin ku yahay Soomaaliya ilaa maalintii Cali Mahdi lagu saliday Soomaalida,ka dibna shirkii Carte ilaa markii la keenay wadaadkii beenlowga “Shariif” ahaa oo Jabuuti umada ku dhibtay.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS