Dalka Somaaliya waxaa jooga 35-kun oo Askari oo kasocda midowga Africa waxaana Qorshaha loo keenay uu yahay inay kooxaha dawlada dagaalka kula jira meesha kasaaraan, balse iyagii ayaa Gacan ku Gabad noqday oo meelin kaste xeryaha lagu weerara, hadaba ciidamada noocaas ah xal ma u keeni karaan Soomaaliya.
Ciidamada shisheeye ee jooga Soomaaliya waxay sheegtaan inay nabadgaliyo keenayaan. Laakiin dad dalalkoodii xal ka dhalin waayay, sidee looga sugi wanaag? Mise Soomaaliya waxay u arkaan mashruuc dhaqaale laga sameeyo?
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS