Dhaqan Lumay Mise Dhuuni-Raac!
Maanta waxaad arkaysaa dad Soomaali sheeganaya oo waalidkood iyo hantidoodi Itoobiya gumaaday oo waliba sidii ayagoo cusbo indhaha ku shubtay u ooyahaya Itoobiya waliba kaaga sii daranee ayagoon aqoonin Afka Axmaariga ayay Wayaanaha daba ruclaynaya Itoobiya .
Waxaa iigu yaab badnaa markaan websiteka Wayaanaha ee aiga forum aan ku arkay sawiro dad Soomaali sheeganaya oo hadana intay calankii Ethiopia isku duuduubeen isku sawiray oo social media galiyay sawirkaa. Bal sawirkan ila arka waad amakaagaysaanee. Waxaase wax laga naxa ah inuu nin Soomaali ah oo magac wanaagsan (Maxamad) wata oo ree Jigjiga ah oo waliba xiskiisu taam yahay uu soo galiyay sawirkan asagoo ku beec tagay gabdhaheeni qaaliga ahaa xoogaana ka raba Wayaanaha!
Bal arka dhabanka iyo quruxda labadaa gabdhood iyo xumaha ay qarqarka saarteen. Dhib ma laha inay sheegtaan ama aaminaan inay Itoobiya yihiin hadday dheef ama sumcad ku haystaan Itoobiya waxaase ceeb ah in Itoobiya aan ku rabin aad daba ruclayso sidaana isu gashid.
Lama garanyyo dadka gaar ahaan kuwooda qurbaha waxa bahdiladaada iyo xumaha ku beeray? Itoobiya waa cadowga Soomaali halkaa dhigay, Wayaanaha ay dad moodayaan ma aha wax jira ayagoo rafaadsan ooy Axmaaro beeraha ku qodato ayay Soomaali u hiilisay urur (TPLF) u samaysay ku xidhay EPLF (Eritrea) dowladdi Mingistana sidaa u ridday, waxaase dhab ah in Tigray iyo Wayaane ahayn wax abaal loo galo waana lagu khasaaray waxtarkii iyo dhaqaalihii la siiyay.
Dhaqanka Xabashida / Wayaanaha
Hadaba muxuu yahay waxa wanaagsan ee shakhsiga Soomaaliga ah uu kaga dayan karo Itoobiya ? Sanadkii 2000 Machadka Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Addis Ababa (College of Social Sciences of Addis Ababa University) ayaa qabtay kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayey dhaqanka dalalka iyo umadaha dunida.
Markii lasoo gaadhay dalka martida loo ahaa (Ethiopia) ayuu wafdigii Itoobiya sheegay waxyaabo ka yaabiyay dadkii ka soo qayb galay kulanka. Waxay goobta la yimaadeen Sheeko Baraley aan waxba ka jirin waxayna oon laguba sheegin taariikda iyo qoraalada dunida. Waxyaabada dadkii ka yaabiyay waxaa ka mid ahaa ayagoo sheegtay “Kaniisad dhulka hoostiisa ku taalla, wada noolaansho diimaha, iyo waliba cunidda hilibka caydhiin” waxayse ka jawaabi waayeen su’aalihii la waydiiyay waxaana ka mid ahaa “sababta keentay ama dhalisay iyo siday ku yimaadeen arimahaa”.
Professor u dhashay Malayshiya ayaa si sahlan ugu jawaabay wuxuuna ku yidhi “waxaad keenteen waa wax aan jirin waana wax laga xishoodo, waxa kaliya ee la idinku yaqaano waa (a) sharmuudo (gogol dhaafka ama dumarka jidhkooda ka ganacsada), (b) colaado iyo qalalaaso, iyo (c) gaajada, arimahaana ma aha kuwo la idinkaga dayan karo amarka laga hadlyo dhaqan wanaag” shirkiina sidaa ayuu ku dhamaaday! Hadaba waxaa umbaan iska daaya idin leeyahay umana malaynayo in waalidkii dhalay gabdhahaa ay ku faraxsan yihiin muuqaalka gabdhahoooda oo meel walba yaala waana sharaf dhac waxaana muhiim ah inay talaabo ka qaadaan ninka sawirka gabdhaha sharfta leh ku baayac mushtaraya.
Sugaanta Soomalida
Qaar ka mid ah kuwaa is bahdilay waxay sheegeen inay ka cabsanayaan Cabdi Iley iyo Wayaanaha, in dadkooda ku xidhan yihiin Jeel Ogaadeen ama meel kale oo wadanka ka mid ah, in Wayaanuhu dhacay ama la wareegay hanti guryo iyo xoolo ay leeyihiin sababta ay bahdilkaa u samaynayaan uu yahay inay xoolahooda iyo ehalkooda badbaadiyaan waxayse kaba dhacsan yihiin awoodda Ilaahay iyo inuu asagu wax bixiyo waxna awoodo, iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida.
Soomaalidu suugaan ayay ka tirisay arimahan maanta taagan waxaana kamid ah tucdan gabay (Naftu waa maqnoow amase waa, mahad ku noolow e – Waa maanta saan ahay haddii, mid u dhexeeyaaye). Ismaaciil Xayd Xirsi waa kuu gabayga tiriyay asagoo dadkiisa Soomaliyeed u sheegaya inaynan wakhtiga aawadii is bahdilin wuxuuna tiriyay tixdan gabay (Eeboow geyiga Aakhariyo, dunida guudkeeda – Mid unbay galladi noo ahayd, inaad na geysaaye – Goodaaddo dhexe waa halkaan, galabta joogaaye). Ina Xasan Dari wuxuu ku yidhi gabay uu tiriyay tixdan (Hadday dunidu tiir leedahoo, lagu tanaadaayo – Oo niman ku taajirahayaan, taaladan aan joogno – Toolmoonihii Maxamed baan, laga taxaabeene – Maxaan tobon riyo ah uga welweli, tay u weel li’iye).
W/Q: Hure Jeefad (jeefad1983@gmail.com)
Qoraa Madax Banaan