Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Ceelbuur gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya ayay xiisada colaadeed ka dhax aloosantay kadib markii ay dhaxdooda dagaallameen.
Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in maalintii 2-aad iska hor’imaadyo xooggan gudaha Ceelbuur ku dhaxmareen ciidamada gumeysiga Itoobiya.
Dad ku sugan duleedka Ceelbuur ayaa sheegay in ay maqleen rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen ciidamada Xabashida oo laba garab u kala jabay.
Ilo wareedyo laga helay Galguduud waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay uqeybsameen Tigree iyo Amxaaro waxaana gudaha Ceelbuur lagasoo sheegayaa xaalad kacsanaan ah.
Lama oga khasaaraha kala gaaray ciidamada Itoobiya ee dhaxdooda dagaallamay, kacdoonka ka socday magaalooyinka waaweyn ee wadanka Itoobiya ayaa kala qeybsanaan u horseeday melleteriga iyo Booliska xukuumadda.
Horraantii bishan October 2016 ayay ciidamada Itoobiya sidaan oo kale ugu dagaallameen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ciidamada kasoo jeeda qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa bilaabay in ay ka biya diidaan awaamiirta uga imaanaysa saraakiisha Tigreega.
Liibaan Jeexoow Cabdi
DHAGEYSO:-Dhibka Haysta Ciidanka Ethiopia Ee Soomaaliya Jooga.