Kadib Jaritaankii Internet-ka Itoobiya Maxaad Kalasoctaa Xaalada Wadanka Qalalaasaha Kujira?

36637786

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa todobaadkii tagay jartay dhamaan Internet kii iyadoo hal mar ah guud ahaan wadanka hawada kasaartay aalada Inernetka waxayna xukuumada gumaysigu arinkaas uga danlahayd in ay qariso qulqulatooyinka kasocda gudaha wadanka.

Arintan ayaa timid kadib markii aduunku uu sitoos ah ula socday waxa kasocda gudaha wadanka waxayna daqiiqad kasta wariyayaasha qarsoon sootabinayeen fal-dambiyeed yada ay ciidanka gumaysigu ugaysanayaan shacabka banaan baxaya.

Inkasta oo ay xukuumada wayaanuhu ladagaalantay habkii isgaadhsiin ee wararka lagu helayay hadana waxaa si isdaba joog ah usocda banaan baxyadii iyo dagaaladii tooska ahaa ee u dhaxeeyay ciidanka wayaanaha iyo jabhadaha ku kacsan.

Dagaalada iyo kacdoonka shacabka ayaa lagu soo gudbiyaa telafoonka iyadoo cod ah hase yeeshee waxaa meesha kabaxay muuqaalkii loo gudbinayay warbaahinta madaxa banaan ee aduunka.

Warbaahinta caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka udooda ayaa si isku mid ah u canbaareeyay falkan waxshinimada ah ee xukuumada wayaanuhu ay warbaahinta cunaha kuqabatay iyadoo diidan in la ogaado gumaadka ay shacabka kuwado.

Dhinaca kale safaaradaha iyo siyaasiyiinta shisheeye ayaa sheegay in ay qabsan waayeen shaqooyinkii ay safaaradaha kaqaban lahaayeen waxayna sabab uga dhigeen Internet kii wadanka oo gabi ahaanba la jaray.

ONA.